Haweenwaynaha Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo Taageero Buuxda siiyey Xisbiga KULMIYE

Haweenwaynaha ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee caasimadda Hargeysa, ayaa taageero buuxda siiyey xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

Boqolaal haween ah oo ku midoobay dallad magaceeda la yidhaa Dan-wadaag, kana soo jeeda degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May oo lagu qabtay huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa galabta, taas oo ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu hormood ka yahay Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo saraakiil kale, madaxdhaqameed iyo dhallinyaro.

Xubno ku hadlayey afka haweenka dallada Dan-wadaag, madaxdhaqameed iyo waxgarad kale, ayaa madasha ka caddeeyey inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne Md. Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen inuu yahay murrashaxa keliya ee lagu aamin karo talada waddanka waqtigan.

Wasiirka Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qabyo-tire), Amb. Cawil Cali Ducaale iyo Eng. Ibraahim Daahir Dubbad, ayaa iyaguna uga mahadceliyey haweenwaynaha iyo bulshada degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ee muujiyey sida ay u barbartaagan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq ballaadhan kaga dareen-celiyey taageerada haweenka Dan-wadaag, waxaannu ku tilmaamay in taageeradooda uu u arkayo lexojeclo iyo hiil ay isaga iyo xisbigaba la barbaristaageen.

“Walaalayaal waxaynu isugu nimi oo aynu xisbi keliya ku wada nahay waa in aynu danteenna, horumarinta dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna u gargaarno oo aynu isu kaashanaynaa, waxaynu KULMIYE ku nahay oo isku raacaynaa innaga oo ilaalina caddaaladda oo aan dhexdeenna is dulmiyin, innaga oo dalkeenna ka ilaalina cadowga, innaga oo shaqayna oo u diyaargarowna hawl oo mustaqbalka carruurteenna dhisna oo haweenku way shaqeeyaan oo eed ma laha ee raggu qaadka iyo hadal-tiraha maqaayad fadhiga iska daayo oo uu hawla u fayto. Dhibaatooyinka jira ee waddo-xumada leh ee caafimaad-xumada leh waynu ka bixi Insha Allaah oo innagoo wadajirna ayeynu kolba intii tamarteennu tahay aynu qabsan doonaa iyadoon hagar lahayn,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu baaq u diray taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ka qaybqaadanaya isu-soo-baxyada ololaha doorashada ee maalintiisii afraad ee xisbiga loo ballansanyahay dalka oo dhan, waxaannu ku boorriyey in la ilaaliyo nabadgalyada, loona ololeeyo nidaam waafaqsan diinta Islaamka iyo anshaxa suubban.

 

DAAWO MUUQAALLADA