Is-kaashatada Booyadleyda Hargeysa oo Taageero Ballaadhan u Muujisay Xisbiga KULMIYE

Hargeisa(GNN):-Is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa biyaha u dhaamisa ee DEDAAL, ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Isu soo bax ballaadhan oo is-kaashatadan oo lagu magacaabo DEDAAL oo ka hawlgala dhammaanba waaxaha ay caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, ayey shaaca kaga qaadeen inay taageero laxaad leh u hayaan xisbiga KULMIYE, maadaama oo uu wax badan ka qabtay dariiqyada kala duwan ee dalka, isla markaana uu barnaamij-siyaasadeedkiisa cusub kusoo daray dayac-tir ballaadhan oo waddooyinka dalka isaga goosha ka muuqda.
Munaasibadda ay is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa ee DEDAAL ku muujinayeen taageeradooda oo ka qabsoontay Degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa, ayey kusoo safeen boqolaal kamid ah gaadiidkooda booyadaha ah oo uu ka babanayo calanka astaanta u ah xisbiga KULMIYE dariiqa 150-ka, waxana ay halkaas ku marti qaadeen xubno sarsare oo xisbiga iyo xukuumadda isugu jira oo ay kamid yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye, wasiirka wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddarre, madaxda xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmada Ibraahim Koodbuur iyo xubno kale, waxana ay halkaas ku caddeeyeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Xubno ku hadlayey magaca is-kaashatada booyadleyda ee DEDAAL oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda KULMIYE ee la xidhiidha dayactirka iyo binaynta waddooyinka cusub ee meelo badan oo dalka kamid ah iyo sida looga raystay dhibaatadii dariiq-xumadu ku keenaysay gaadiidka kala duwan ee gobollada dalka iskaga kala goosha.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa is-kaashatada booyadleyda ku bogaadiyey go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay inuu KULMIYE mar walba muhiimad gaar ah siinayo dayac-tirka waddooyinka kala duwan ee dalka ku yaalla.

22089706_950112668460154_5545702453149006260_n 22089089_950112721793482_6080756309245396981_n 19598741_950112378460183_4039579572008921212_n
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo isaguna madasha hadal ka jeediyey, ayaa iskaashatada booyadleyda caasimadda ee DEDAAL ku hambalyeeyey taageeradooda ay u muujiyeen xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba maanka ku hayaan muhiimadda ay bulshada u leeyihiin is-kaashatada biyaha u dhaamisa caasimaddu.22196455_950113168460104_7947097227708941617_n 22196363_950113188460102_4282630085666978842_n 22154265_950113835126704_3910630824316201728_n 22141058_950113601793394_2376480512763985036_n 22089983_950112308460190_2833735988960160319_n 22089766_950113871793367_2882568739655884927_n 22089477_950113181793436_3428200008482295060_n 22089159_950113595126728_2422142636341107441_n 22050343_950114128460008_326073844820156336_n 22050233_950112645126823_6854633470535061455_n 22046920_950113551793399_614073886214260716_n

 

No automatic alt text available.