Murrashax Cirro Oo Saaka Kormeer Ku Tagay Suuq Waynaha Magaalada Hargeysa + Sawiro

Murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa saaka subaxii hore waxa uu kormeer ku tagay suuqwaynaha magaalada Hargeysa.
Waxaana gudoomiye Cirro uu kormeeray suuqyada wax lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa,isaga oo xaal waraystay ganacsatada yar yar ee suuqyada Hargeysa.
Waxaana uu sidoo kale gudoomiye Cirro ujeedada socdaalkiisu ay salka ku haysa u kuur galida sicir bararka dalka ka taagan oo aafeeyey bulshada Somaliland,kaas oo wakhti xaadirkan sarrifka lacagta qalaad ay marayso halkii ugu saraysay.