Nuxurka Kulamadii Dhex Maray Musharaxa Xisbiga Kulmiye Iyo Raysal-Wasaaraha Itoobiya + Waxyaabaha Ay Ka Wadda Hadleen

                                                   War-saxaafadeed

Hargeisa(GNN):- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mudane, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Jagada Madaxweynaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee waddankaasi.

Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa KULMIYE oo qaatay muddo ilaa saacad ah waxay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shucuubtooda, Iskaashiga labada dhinac, xaaladdaha ka jira Gobolka Geeska Afrika waqtigan iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Qodobada ugu mudan ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam kaga wadahadleen kulankaasi waxa ka mid ah;

  • Kor u sii qaadida iyo xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
  • In labada dal yeeshaan iskaashi dhaqaale oo ka sii wayn ka hadda u dhexeeya.
  • Isticmaalka dekedaha oo la isla gartay in dalka Itoobiya si wayn u isticmaalo dekedda Berbera oo hadda lagu wado maalgalin lagu horumarinayo oo baaxad leh.

 

  • Masuuliyiinta labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan in laga wadashaqeeyo ka midho-dhalinta suuqa xorta ah ee istugga waddamada Geeska Afrika iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayn.
  • Waxa kaloo ay ka wadahadleen sidii labada dal uga sii wadashaqayn lahaayeen adkaynta nabadda iyo xogta ammaanka ee mandaqada.

Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulanka uu la qaatay Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya ku wehelinayey masuuliyiinta kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasiga Axmed Muumin Seed iyo Safiirka Somaliland ee Itoobiya Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe).

Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo is afgarad ah.

 

ALLAA MAHAD LEH.

 Cali Jaamac Maxamed

Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE