Obama oo ku Biiraya Xeerbeegtida Gobol Ka Mid ah Mareykanka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa loogu yeeray in uu ka mid noqdo xeerbeegtida gobolka Illinois ee dalkaasi, waxaana sida la sheegay Obama uu qorsheynayaa in uu shaqadaasi qabto.

Ilaa iyo haatan lama shaacin macluumaad badan oo arrintan ku saabsan basle Obama ayaa la filayaa in bisha soo socota uu ku biro xeerbeegtida magaalada Cook.

Obama oo 56 sano jir ah ayaa guryo deegaan ku leh magaalooyinka Washington DC iyo Chicago, waxaana sharciyan loogu yeeri karaa in uu ka qeyb qaato dhageysiga dacwado madani ah iyo xitaa kuwo dambiyada la xiriira.

Barack Obama ayaa ka qalinjebiyay kulliyadda sharciga ee jaamacadda Harvard, waxa uuna culuunta sharciga muddo 12 sano ah ka dhigayay kulliyada sharciga ee Jaamacadda Chicaqo, ka hor inta uusan ku biirin aqalka Senedka ee Mareykanka. Waxa uu sidoo kale ahaan jiray qareen u dooda xaquuqul insaanka.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Timothy Evans ayaa wargeyska maalin laha ah ee Chicago Tribune u sheegay in wakiilka madaxweynahaasi hore uu u xaqiijiyay in Obama uu gudan doono waajibaadkiisa muwaadinnimo iyo tan deegaan.

Evans ayaa sheegay in muhiimadda ay saarayaan amniga madaxweynahaasi hore balse afhayeenka Obama ayaanan arrintan ka hadlin.

Xubnaha xeerbeegtida degmadaasi ayaa 17.25 doolar mushaar ahaan u qaata maalin kastaa oo ay shaqeeyaan.

Tan iyo markii uu xilka ka degay bishii Janaayo ee sanadkan, Obama waxa uu dalxiis u joogay waddamo badan oo ay ma kid yihiin Induniisiya.

Source BBC.