Qareenada Guddida Doorashada Kenya Oo Ku Adkaystay In Doorashada Ku Celiska Ahi Dhacayso Khamiista.

Kenya(GNN):-Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa ku adkaystay in doorashada ku celiska ah ee madaxtinimadu ay dhacayso maalinta khamiista ah sida uu markii horaba qorshuhu ahaa.

Kulan ay garsoorayaasha maxkamadu ka yeelan lahaayeen dalab la doonayo in dib loogu dhigo doorashada ayaa baaqday ka dib markii ay fadhiga qareenada soo xaadiri waayeen garsoorayaal ku filan.

Maxkamadda ayaa lagu waday inay dhageysato dalab lagu doonayay in dib loogu dhigo doorashada ka dib markii laba ka mid ah todobada garsoore ee maxkamdda ay soo xaadireen.

Urur u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa doonayay in dib loo dhigo doorashada maadama guddiga doorashada aanu  diyaarsanayn.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa iskaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka ay guddida doorashadu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aanay Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay kaga  soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Todobaadkii  la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaanay  diyaar u ahayn waxay ugu yeedhay qeyb ka noqoshada doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay noqdeen  khatarta ugu daran ee soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yidhi Wafula Chebukati.

Source:-BBCsomali