Qiso Dhab Ah Oo Dhex Martay Geel-Jireyaal U Kala Dhashay Maraykanka Iyo Sucuudiga !

Geelu waxa uu leeyahay luqad uu fahmo waxaana luqadaasi garan kara oo kaliya qofka muddo dheer kusoo dhex jiray, qisadani maaha mid khayaaliya amase dhallanteed, laakiin waa qiso dhab ah oo uu nin u dhashay Dalka Sucuudigu la kulmay oo socdaal ku tagey Dalka Maraykanka, Ninkan ayaa kadib markii uu Maraykanka tagey waxa uu la kulmay nin watta raxan geel ah, kaasi oo aan awood u lahayn inuu geela uu watto uu meel qudha iskugu soo ururiyo, sidoo kale ninkani u dhashay Maraykanka ee geela watta ayaa dhib kala kulmay dhiqista geela, Ninka Sucuudiga ah ee Maraykanka tagay ayaa waxa uu muddo dheer ku soo dhex jiray geela waxaanu ahaa ‘Geel jire’, waxa aanu ninkii Maraykanka ahaa u sheegay in geelu uu leeyahay luqad gaar u ah oo loogu yeedho ama lagu soo xero galiyo.

Intaasi kadib Ninkii Sucuudiga waxa uu geelii ugu yeedhay luqadaasi, geelii ayaa markii ay luqadaasi maqleen waxay kasoo ag dhawaadeen ninkii Sucuudiga ahaa, sidaasi awgeed ayaa ninkii Maraykanka ahaa ee la dhibanaa dhaqista geela uu xaqiiqsaday inay dhab tahay oo ay jirto Luqad u gaar ah geela oo la adeegsado la dhaqankiisa waxa aanu ka codsaday ninkaasi Sucuudiga ah inuu ka caawiyo sidii uu u bari lahaa luqadaasi inta uu ku sugan yahay Maraykanka.