Taageerayaal Isku Xilqaamay Ololaha Kulmiye Ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa Oo Kulan Balaadhan Loo Qabtay

Hargeisa(GNN):-Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday gudaha hargeysa ujeedkeeduna ahaa taageraayaal isku xilqaamay ololaha kulmiye ee degmooyinka Caasimada Hargeysa kana soo qayb galen hogaanka sare ee xisbiga kulmiye Oo Ugu horeeyo Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Md.Muuse Biixi Cabdi Xoghayaha Guud Xasan Siciid,Gudoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shaabeel,Iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale,Baashe Cabdi Gaboobe Xubno Ka Mida Golaha Wasiirada,Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Qaran,Haween Dhalinyaro Iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Ugu Horayna Waxaa Goobtaasi ka hadlay Dhalinyarta Ee iskood isku xilqamay oo ka kala socday degmooyinka caasimada iyo cod dheer ku shegay inay ka goantahay inay hiil iyo hooba la bar bar istaagaan xisbiga kulmiye sidii uu mar labaad ugu gulaysan lahaa hanashada hogaanka dalka .
Masuuliyiinta sar sare ee xisbiga oo goobtaasi ka hadlay ayaa shegay inay ku faraxsanyihiin taagerayashan iskood isku xilqaamay ee u heelan xisbiga kuna dhiiri galiyay inay dedaalkooda halkaa kasii wadaan abaalka ay xisbiga gashanayaana iyo tabacana loo ogyahay.
Murashaxa Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay aya tagerayaashiisa kula dardaarmay inay ilaaliyaan wanaaga iyo anshaxa ololaha “Inaga Cayda Afalaagada Iyo Yo’yotanku Waa inaga xaaraan Hadaynu nahay Xibiga kulmiye”

Exit mobile version