Taageerayaasha KULMIYE ee Boorama oo Isu Soo Baxyo Indhaha Soo Jiitay Kaga Qaybgalay Maalinta Saddexaad ee Ololaha Xisbiga.

Hargeisa(GNN):-Kumanaan kamid ah taageerayaasha xisbiga Midnimada iyo horumarka ee KULMIYE ee ku dhaqan caasimadda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa isu soo baxyo baaxad leh kaga qayb qaatay maalinta saddexaad ee ololaha xibsiga KULMIYE oo maanta ku beegan.
Taageerayaashan oo lulaya astaanka xisbiga KULMIYE, qaybo jidhkooda kamid ahna kusoo sharraxay astaamaha xisbiga, ayaa goor hore oo saaka ah isugu soo baxay barxadda Khayriyada ee magaalada Boorama, waxana ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay codkooda iyo cududoodaba la garab galaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Isu soo baxyada ay taageerayaasha KULMIYE ka dhigeen gudaha magaalada Boorama, ayaa waxa kala qaybgalay

Isu soo baxyada ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka dhigeen gudaha magaalada Boorama oo si weyn looga dareemay magaalada iyo nawaaxigeeda, ayaa waxa kala qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Xidhiidhka Goleyaasha Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Maxamed Waran-cadde, wasiirkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa arrimaha dibadda Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Axmed Muumin Seed, Cabdirashiid Xasan Mataan, iyo xubno kale oo magac iyo maamuus ku leh bulshada reer Somaliland, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay shacabka reer Boorama, isla markaana lagu bogaadiyey isu soo baxyada baaxadda leh ee ay ku muujiyeen taageeradooda KULMIYE.

Maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka Awdal oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan shacabka reer Boorama ugaga mahadnaqay isu soo baxyada aan kala hadhka lahayn ee ku taageereen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Guddoomiyaha guddida ololaha gobolka Awdal Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa isagun bulshada ku guubaabiyey inay u diyaar garoobaan maalinta doorashada oo waqti kooban ka hadhsan yahay, waxana uu ku adkeeyey inay codkooda ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.
Siyaasiyiin bulshada magac ku leh oo ay kamid yihiin Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cawil Cali Ducaale, Axmed Muumin Seed, Maxamed Abiib iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka reer Awdal, waxana ay sheegeen in loo baahan in iyada oo la isku duuban yahay gacmaha la isu qabsado sidii cod iyo cudud wada socda loogu garab geli lahaa murrashaxiinta KULMIYE.
Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa iyaguna ku dheeraaday waxqabadka uu KULMIYE dalka ka hirgeliyey, waxana ay sheegeen in bulshada Somaliland ku dhaqan oo dhammi ka siman tahay ku qanacsanaanta horumarka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka, iyaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey waddada isku xidha Dila iyo Boorama oo xisbiga KULMIYE hirgeliyey.

Salaadiin ay kamid yihiin Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Ibraahim Jaamac Samatar oo hadal u jeediyey bulshoweynta reer Awdal, ayaa sharraxay horumarka uu xisbiga KULMIYE gaadhsiiyey gobolka Awdal, waxana ay bulshada ku guubaabiyeen inay codkooda si midaysan ugu hibeeyaan murrashaxiinta KULMIYE si loo dhammaystiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira guulaha xukuumadda KULMIYE ku tallaabsatay.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo khudbad u jeediyey shacabka reer Awdal, ayaa si mugleh u sharraxay dedaalka uu xisbiga KULMIYE u galay horumarka gobolka Awdal iyo sidii ay bulshada reer Awdal qayb libaax uga heli lahaayeen xilalka muhiimka ah ee qaranka, waxana uu farta ku fiiqay inuu KULMIYE yahay xisbiga kaliya ee xilka iska saaray sidii reer Awdal ula jaan qaadi lahaayeen horumarka kala duwan ee dalka ka hirgalay, waxana uu yidhi, “Waxan ahaa raggii madaxweynaha ku bilaabay wasiirrada aan magacowda reer Awadal kuma filna 12-wasiir buu reer Awdal gaadhsiiyey, dawladdii ka horraysay ee madaxweyne Daahir Rayaale-na intaas oo kale ayeynu ku lahayn, maalintii aynu ku bilownay kordhi ilaa maantana waxbuu ku kordhinayey, anigaana u dambeeyey maalintii lagu tartamayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Muuse Biixi wuxuu yidhi reer Hargeysa isma sharraxi karaane reer Awdal baa leh, xisbiga KULMIYE-na waakaas waxa aynu ka cabanayno ka jawaabaya.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagun sheegay inay xisbi ahaan aqbalayaan inay wax weyn ka qabtaan baahiyaha muhiimka ah ee gobolka Awdal, isaga oo si gaar ah u ballan qaaday inay KULMIYE ahaan samayn doonaan waddada Boorama iyo Lawyo-caddo isku xidha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Farriinta aad na faraysaan oo ay kamid yihiin in la helo dawlad dalkeeda horumarisa, in la helo sinnaan iyo caddaalad, in aqoonta la horumariyo dhallintanna shaqo la’aanta laga saaro, reer Booramana waxa dan u ah in waddada isku xidha Lawyo-caddo iyo Boorama, waddadaasna intii aan noolaa waan marayey, dhibta ay leedahayna waan aqaanaa oo Soddon sanaan marayey, waxase aanu idiin ballan qaadaynaa inaanu waddaas samayno, mana aha inaanu cod idinkaga doonaynee qarankaa u baahan oo inuu dalku isku xidhmo, dhinaca waddooyinka iyo is aaminaadda ayaanu xisbiga ku hoggaaminaynaa.”

 22780475_963508007120620_6223748538979185350_n 22780535_963508257120595_728068695839600345_n 22780721_963508160453938_7191511191465880076_n 22788693_963508630453891_7697496772578281289_n 22788701_963508617120559_4274068083841155473_n 22788992_963507600453994_583109011736598845_n 22789112_963509167120504_4906644625435208332_n 22789215_963507687120652_7228924876544679446_n 22814073_963507663787321_6898754634702699739_n 22853177_963510007120420_2432923157782264859_n