War Deg Deg Ah:-Xildhibbaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Saaka Geeriyooday +Magaca Xildhibaanka

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo si wayn u taabacsanaa,waxaana uu xaalad caafimaad u tagay dalka Jabuuti isaga oo saaka subaxii horena la sheegay inuu ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa laga soo doortay gobolka Gabiley,waxaana uu ahaa macalin wax soo bara arday badan oo qaarkood ay hadda xukuumadda ka tirsan yihiin,sidoo kalena waxa uu ahaa gudoomiyaha arrimaha Bulshada ee golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

 

 

Innaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.