Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Cududa Taagerada Balaadhan Ee Beesha Sheekhaal

Hargeisa(GNN):-xisbiga KULMIYE ayaa xaflad balaadhan oo ka dhacday hargeysa kusoo dhaweeyey taagero balaadhan iyo cudud ay muujiyeen beesha sheekhaal.
Waxaana kasoo qayb galay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi ,Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Md.Axmed Cabdi Dheere ,Xubno ka mida golaha wasiirada Md.Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ,Wasiru Dawlihii Hore ee duulista iyo hawada soomaliland Axmed Nuur Faahiye ,Siyaasi Cali Axmed Yuusuf”Cali Guray” Haween dhalinyar iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan .
Xubno ka mida taagerayaasha beesha SHEEKHAADL oo halkaasi ka hadlay ayaa iyagoo isku duuban cod dheer ku sheegay inay cod iyo cududba la garab taaganyihiin xisbiga kulmiye iyo Murashaxiintiisa codkoodana ugu hiilin doonaan maalinta doorashada ee 13 novenber .
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaas Md.Muuse Biixi Cabdi Oo Soo Gunaanaday Xaflada ayaa u mahad naqay taageradaa baaxada leh ee ay u muujiyeen Beesha SHEEKHAAL kuna guubaabiyay sidaa ay iskugu duubanyihin maalinta codkana inay iskugu duubnaadaan.

Exit mobile version