Xisbiga Waddani Oo Digniin Adag U Diray Siyaasiyiin Xilal Ka Haya Somalia Oo Dhalasho Ahaan Somaliland Ka Soo Jeeda

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa digiin adag u diray siyaasiyiin Somaliland ka soo jeeda oo xilal ka haya maamulka Xamar, kuwaas oo hadallo ay Somaliland wax kaga sheegayaan warbaahinta mariyey, waxaanay xisbiga waddani usoo jeediyeen xubnahaasi inay Somaliland qaranimadeeda faraha kala baxaan.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa  uu tilmaamay in Qaranimada Somaliland ay tahay lama taabtaan isla markaana ay ku timid Afti laga qaaday shacabka Somaliland oo ku tashaday inay ka madaxbanaanaadaan Somalia inteeda kale.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Madaxweynaha imika haysta qayb ka mid ah Muqdisho iyo raga u shaqo tagay Xamar ee la jooga ee gudoomiyeyaasha sheegtaa waxay ku celceliyaan sidii ay Somaliland ugu celin lahaayeen Xamar, inbadan baanu ka maqalnay waxaanu u sheegaynaa Somaliland waa umadd tashatay waa ummadd go’aan, Markaa walaalayaal waxaanu idin leenahay aynu jaar fiican ahaano, arintaa aftibaa laga qaaday, Arin wasiiro iyo madaxi ay gaadhay maaha shacbigaa gaadhay shacbigana go’aankiisa waa lagu khasban yahay, haday aduunyada tahay iyo haday Soomaalida tahayba.” Ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcade.