Xukumada Somaliland Oo Beenisay Warar Sheegaya In Dawlada Qadar Ay Ciidamo Ka Qoranayso Guddaha Dalkeeda.

Hargaysa:(GNN):- Xukuumada Somaliland Ayaa markii ugu horraysay waxay ka Hadashay Warar Maalmihii Udanbeeyay ay bulshadu si wayn u hadal haysay islamarkaana laysla dhexmarayay,wararkaas oo sheegayay Ciidamo Ay Dawalada Qadar Ka qoranayso gudaha Somaliland,waxaanay wararkaasi sheegayeen in tirada ciidamada ay Dawalada Qadar doonayso ay tiradoodu dhan-tahay 300 oo ciidan ah kuwaas oo u badan dhalinyaro, waxaanay wararku intaaku darayaan in ciidamada Dawalada Qadar ay qoronaysaa ay yihiin kuwo Qadar ay ugu talo gashay ama ay u diyaarinayso wakhtiga koobka aduunka oo lagu qabanaayo dalka qadar sannadka 2022ka. Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga Somaliland oo wargeyska Badhtamuhu wax ka waydiiyay arrintaasi ayaa sheegay in aanay waxba ka ogayn arintaasi haddii ay yihiin somaliland waxaana uu intaasi raaciyay in aanay Dalka Qadar xidhiidh sidaas ah lala hayn Dawlada somaliland waxaana uu sheegay in ay arrintaasi gaar u tahay qurba jooga halkaa ku dhaqan ee somaliland u dhashay oo iyagu ah kuwo aan ka war hayn marxalada dalka cid ay fasax ka haystaana oo ku saabsan  arintaasina aanay jirin.
Axmed Xaaji Cali Cadami Wasiirka Gaashaan Dhiga Somaliland Oo Ugu Horrayn Arrimahaasi Ka hadlaaya ayaa yidhi: “Warkaasi haddii aanu nahay Somaliland war iyo wacaal uma hayno anaga iyo Qadarna xidhiidh kama lihin Askar la’isku qoro wax hadda lagawada hadlay iyo wax diyaar ah toona midna majiraan markaa ninka shaqada la’ ee isagu halkaa jooga isagu ee waxa socda ogayn oo qurba joog iska ah wax waliba waa u xalaal isaga oo aan halkan wax fasax ah ka qaadan waa wax dhici kara laakiin haddii aanu nahay somaliland waxaanu ka war haynaa majirto iyo wax hadyad naloo siiyay toona oo la leeyahay intaas oo ciidana ayay Qadar idinka qoranaysaa”
Hadalkan ka soo yeedhay wasiirka Gaashaan Dhiga ee uu ku beeninayo ciidamada Dawalda Qadar ay ku qoronayso dhalinyarada somaliland u dhalatay ayaa ku soo beegmaya xilli aad loo hadal hayo ciidamada Qadar qoronayso wararka uu wargeyska badhtamuhu ka helayo arrintan ayaa sheegaya in ay tiradoodu dhantahay 300 oo ciidan ah una dhashay somaliland in ay dawlada qadar doonayso, kuwaas oo wararku ay sheegeen in loo taba barayo  koobka aduunka oo lafilaayo in lagu qabto dalka qadar, waxaanay wararku intaas ku darayaan in  hab beeleed ay u qayb sadeen qurba jooga somaliland u dhashay ee ku sugan dalka qadar.
Xukuumadaha somaliland iyo Qadar ayaan lahayn xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona, waxaanu wasiirka gaashaan-dhigu ku macneeyay maadaama oo aanu jirin xidhiidhkaasi haba-yaraatee ciidan somaliland ah oo Qadar loo dirayaana aanu jirin, wararka arrimahaas ku saabsanina ay yihiin Been-abuur iyo waxba kama jiraan