Xukuumada Somaliland oo Si Kulul U Cambaareysay Qaraxii Muqdisho.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanay tacsi u direen shacabka ay waxyeelladu soo gaadhay iyo dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo VOA la hadlay ayaa qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo murugo leh.Waxaana Uu Si Faahfaahsan Uga Hadlay In Ay La Wadaagayaan Dhibaatadaa Soo Gaadhay Shacabka Somaaliyeed Ee Aaney Jirin Wax Loogu Daadinayo Dhiigooda.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani Ayaa Isagu Si Kulul u Sheegay inay Canbaaraynayaan Falkaa Lagu Laayey Shacabka Aan Waxba Galabsan.

Halkan Ka Dhegayso Laba Masuulba.

Exit mobile version