Amaanka Magaalooyinka Somaliland Oo La Xoojiyey Iyo Booliska Oo La Sheegay Inuu Qabtay Dad

Ciidamada ammaanka ayaa adkeeyay amniga guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka iyo kadinada laga soo galo.

Ammaanka ayaa la xoojiyay iyadoo ay maalmo koobani ka hadheen doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shacabku u dareeri doono Isniinta 13 November, waxaana fiidkii magaalooyinka gaaf wareega ciidamo Boolis ah oo koox koox u socda.

Geesta kale, ciidamada ammaanka ayaa toddobaadkan magaalada Hargeysa ka qabtay dad  lagu tuhmay arrimo ka dhan ah amniga guud ee qaranka. Inkastoo aanay ciidamada ammaanku weli wax war ah ka soo saarin dadkaas, haddana waxa la sheegay inay baadhis ku hayaan dadkaas la soo qabqabtay.

 

 

 

Xigasho:- Wargeyska Geeska