“Askariga Codkiisu Wuu Qarsoon Yahay Laakiin Isaga Oo Kalsooni Qaran Haysta Laguma Dhex Arki Karo Xisbiyada”.Taliye Nuux Taani.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taali,ayaa dardaaran ciidannimo iyo talo faray saraakiil ciidan oo ka qalin jabiyay kulliyadda Saraakiisha Cabdilaahi Askar oo ku taalla akaadamiyadda Ciidanka qaranka ee Dararweyne.

Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay kulliyadda saraakiisha ciidanka qaranka Cabdilaahi Askar oo ka tirsan akaadamiyadda ciidanka qaranka Dararweyne, oo ay ku qalin jabinayeen dufcaddii afraad ee ka soo baxda kulliyadaas ayay ka soo qayb galeen Taliyeyaasha ciidanka qaranka,booliska,asluubta,ilaalada xeebaha,ciidanka madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee dalka. Saraakiisha qalin jabisay oo isugu jiray ciidamada qaranka,booliska iyo madaxtooyada ayaa tababarka loosoo xidhay uu u socday muddo lix bilood ah oo ay ku baranayeen nooca hoggaaminta ciidanka iyo sharciyada ciidanamada iyo dhanka dhishibiliinta saraakiisha laga rabo in ay ciidanka ku hoggaamiyaan.

Taliyaha Ciidanka qaranka oo munaasibadda soo xidhay isla markaana shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiishii tababarka ka galay kaalmaha hore,ayaa sheegay in ujeedada loo furay kulliyadda saraakiisha ciidanka qaranka ee akaadamiyadda ciidanka qaranka ee Dararweyne in ay tahay in ay daboosho aqoon badan oo saraakiishu ay u baahan tahay isla markaana markii hore aan la hayn loona doonan jiray dibedda.waxaanu yidhi “kuliyaddan aynu maanta (dorraad) joogno markii aanu bilaabaynay waxay ahayd dhul buannaan oo aan waxba ku oolin laakiin waxaanu ku fekernay in aanu samaysano kulliyad ay saraakiishu ka soo baxdo waxan wanaagsanna waa la iskaga daydaaye booliska ayaanu kaga dayanay waxaan ka qayb galay maalin munaasibad boolisku ku qabtay Madheera oo guryo yar yar laga furay kuliyada saraakiisha,markaas ayaanu tan dhismaheeda bilawnay,wax kasta oo la bilaabaana way dhamaadaan oo wax tar ayay yeeshaan imikana waxaa waxaa ka baxaya dufcaddii shanaad oo isugu jirta ciidamada kala duwan, wax la dhaqdo dad ayaa ugu wanaagsan intiina tababarkani u dhamaatay ee ciidamada kala duwn ka koobani waxaad yeelateen mid kastoo idinka mid ahi saaxiin ciidan kale ka tirsan oo u jooga.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “maanta dalku doorasho ayuu gelayaa inaguna waxanaynu nahay ciidankii dalka ee u xil saarnaa ammaankiisa mid gudeed iyo mid dibadeedba waxa tartamaya sadex xisbi qaran ciidanka waxaa ka reebban in ay ku milmaan loolanka asxaabta qaranka waxa keliya ee aynu xaq u leenahay waa in aynu codayno taana askarigu xaqbuu u leeyahay codkiisuna wuu u qarsoon yahay isgana ayaana dooranaya kuu doono laakiin waxaynu nahay sharafta iyo calanka qarankan cidda uu huwan yahay ee ilaalisa innaga oo sidaas ah oo kalsooni qaran haysana la inaguma dhex arki karo xisbiyada qaranka.”

Taliyaha ciidanka qaranka ka hor waxaa iyaguna halkaa ka hadlay talyeyaasha ciidanka booliska iyo madaxtooyada oo taliyaha ciidanka qaranka uga mahad naqay siduu uga qayb galiyay ciidamada kala duwan tababarada lagu qabto kuliyada saraakiisha ciidanka qaranka ee Cabdilaahi Askar oo ku taalla akaadamiyadda ciidanka qaranka Dararweyne oo isugu jirta dugsiyo tababar ciidan oo kala duwan. Waxaa kaloo munaasibadda lagu daawaday bandhig faneed kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan ay kaga hadlaysay doorka saraakiisha ciidamada iyo waajibaadka saaran ee laga rabo.

 

Exit mobile version