“BAYAAN” Maanso Cusub oo uu Tiriyey Saleban Cabdi Cali (kalshaale)

Marka hore waxaan hambalyo iyo amaan u jeedinayaa Shacbiga Somaliland ee sida milgaha iyo maamuska leh uga qayb-qaatay Doorashadii dalka ka dhacday 13-kii bishan. Waxa kale oo aan bogaadinayaa Murrashaxiinta saddexda Xisbi, bahda Saxaafadda, Laamaha ammaanka iyo qaybaha kale ee hormuudka Bulshada oo iyaguna door wanaagsan ka qaatay howsha Doorashada.

Si gaar ah waxaan u hambalyeynayaa Murrashaxiinta Xisbiyada Mucaaridka oo si biseyl siyaasaddeed ka muuqdo ugu tartamay Doorashada, waxaanan rumaysanahay inaan Doorashada Murrashaxa ku guulaystay madaxtinimadu aanu guulaysan keligii uu Qaranka Somaliland oo dhan guulaystay, haddii natiijaddeeda la ayido oo ay si nabad-gelyo ah inoogu dhamaato Doorashadu.

Haddii cid loo hambalyeynayo guusha Doorashadana, waxaan anigu hambalyeynayaa Murrashaxiinta aan qaddarku u saamixin inay hogaamiyaan dalka oo aan leeyahay dhamaantiin waad guulaysateen.

Intaas markaan ka imaado, Maansada gaaban ee  Beyaan waxa ay soo baxday 20/011/2017, waxaanay daarantahay dardaaran iyo darreen ku wajahan xaalada Somaliland ku jirto oo aan doonayo inaan la wadaago Bul-weynta kala duwan ee dalka iyo daafaha caalamka kala joogga.

Maansadu waxay si gaar ah ula hadlaysaa Murrashaxiinta ku tartamay hogaaminta dalka oo ay si guud ugu hoge-tusaalleynayso  sida ay wanaagga iyo midnimada umaddu ku jirto ee loo baahan yahay inay ku qaabilaan natiijada Doorashada:

Waxaanay ku bilaabantay Maansadu sidan:

Baaqyada Bulshada
Beyaankiyo tallada
Kuu bidhaamayaa
Waa beer ku jecelle
haka bixin axdiga
Balankii adkaa
Nabaddana ha burin.
Beledkiyo Dadkuba
Kaama baydhinoo
Bulshadu kuma necbee
Berreey kuu coddeyne
Bello ha u sadqeyn
Burbur ha u horkicin
Ha u bislayn dhurwaa
Inta bahal cidlada
Ka bidhaansadiyo
Bugto iyo badraan
Barbaartiyo Gabdhaha
Waayeelka billan
Dadkan billicda wacan
Ha u bixin birsade
Cadow beegsadoo
Badhaadhaha ka tirra.
Markaad baratanteen
Kala baddin Ku darra
Inay bahashu tahay
Kuwa laga badshoow
Idinkoon bukoon
Buuq Utun dhalliyo
Halis Beesha gelin
Hambalyee Bulshada
Ninka tirrada badan
Guusha Baydh Ku helay
Isna yuu isbiddine ee
Ha badsado tallada
Ha bud-dhigo wax maqan
Baarlamaanka dhacay
Kii beddeli lahaa
Berri ha  u wanqallo
Dhaqaalaha burburay
Abbaarihii barkaday
dadkay baro-kacsheen
Banka Caydha Wadhan
Yool lagu baanto iyo
Binno ha u yabyabbo.
Inta baylah taal
Dalkan boogta badan
Buugga howgu taallo.

Waxa tiriyey: Saleban Cabdi Cali (kalshaale)