Daawo-Maayirka Caasimada Oo Go’aan Kasoo Saaray Bixintii Dhulka Danta Guud Muddo 6 Bilooda + Fariin Culus Oo Uu U Diray Shacabka Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Maayirka Caasimada Hargeisa Mudane C.raxmaan maxamuud Cadiid Soltelco Oo maanta Warbaahinta ugu Waramayey Xafiiskiisa Ayaa Waxa Uu Si Adag uga Hadlay Bixintii Dhulka Danta Guud ee Dawlada Hoose Caasimada Hargeisa Dadka Siin jirtay, Sidoo kale Waxaa Uu Shuruudo Adag Ku Xidhay Dadkii iyaga Hore Loo Siiyey Dhulka Danta guud oo uu Sheegay in Haddii aaney u Sameysan Sharciyad Sax ama Aaaney Bixin Cashuurtii Xaqqa Loogu lahaa inay kala Laaban Doonaan Dhulkaasi.

Sidoo Kale Waxaa Uu Fariin Adag U Diray Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeisa Oo Uu Sheegay In Cidii lagu helo in Ay Ku Baaqatay Cashuurtii Sanadlaha Ahayd ay ganaax Culus Madaxa Ka Saaridoonaan.