Daawo-Marwo Faadumo Siciid Oo Xabsiga Laga Siidaayey Ka Warantay Asbaabaha Keenay Xadhigeeda.

Hargeisa(GNN):-Lataliyaha Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani Faadumo Siciid ayaa sheegtay in la xidhay maalintii codaynta doorashada Somaliland loo dareeray.

Faadumo Siciid oo waraysi gaar ah siisay Muuqaal baahiyaha Eryal Tv ayaa sheegtay in ay ahayd kormeere guud maalintii daarashada oo ay kor meeraysay goobaha cod bixinta markii la xidhayna ay ku sugnayd goob codbixineed oo kutaalay iskuulka biyo dhacay ayna haysatay kaadhkeedee muraaqibnimo “Waxaan ahaa kormeere, weliba kormeere guud waxaanan soo kormeerayay goobaha laakiin markii ay soo dhawaatay wakhtigii latirinayay cododku ayaa meelo badan laga soo hadlay oo layidhi muraaqibiintiinii lama hayo markaas ayaa aniga la iidiray xaga Iskuulka Biyo dhacay oo layidhi

muraaqibkii wuu ka maqanyahay dabadeedna xafiiskii ayaa la iiga yeedhay waxaana la isoo siiyay kaadhkii muraaqibka dabadeedna waxaa la isoo raaciyay madaxa kaambaynka xisbiga Waddani ee Gobolka Maroodijeex Cabdirisaaq Kildhi oo lagu yidhi kaxee oo gee goobta Biyo dhacay oo muraaqibkii ka maqanyahay” ayay tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo siciid oo hadalka sii wadata ayaa intaasi raacisay “markaa shaqadaydu waxay ahayd inaan markhaati ka ahaado cododka oo aan noqdo wakiilkii waddani markii aan meesha tagayna buuqbadan ayaa jiray, dad badanina way isdaba marayeen, taasina goob walba way kajirtay oo wax cusub may ahayn Gudoomiyihiina wuu ikaxeeyay askartii ayuu iigeeyay Askartii kadinka joogtay waxaanu ku yidhi waa muraaqibkii maqnaa badelkiisii wayna isiidaayeen gudoomiyihii goobtaana la iigeeyay oo lagu yidhi waa muraaqibkii maqnaa badelkiisii, gudoomiyuhuna waxa uu iwaydiisay cadayntaydii dabadeedna kaadhkayga ayaan udhiibay oon ku idhi waakan, gudoomiyihiina wuu iimarkhaati furay dabadeedna gudoomiyihii kursi ay labadii muraaqib ee kale ee xisbiyadu fadhiyeen ayay ifadhiisisay waxayna igu tidhi halkaa fadhiiso sanduuqii ayaanu furaynaaye si aynu tiradii u eegno”

Faadumo siciid ayaa intaasi raacisay “markay halkaa marayso ayay tidhi inantii gudoomiyaha ka ahayd goobtu amar cusub ayaa soo dhacay oo waxaa layidhi xidhi Faadumo Siciid, ma sidaas ayaa ayaan idhi, haa ayay tidhi, dhib majirto ayaan idhi saldhiga dhexe ayaana la igeeyay waana la ixidhay” ayay tidhi Faadumo siciid.

Xadhiga Faadumo siciid ayaa waxaa ka hadlay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo sheegay in la xidhay Faadumo iyo masuuliyiin kale oo katirsan Xisbiga Waddani.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.