DAAWO SAWIRADA Komishanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Gobalad u Kala Diray Dhalinyaradii Ka Hawl Galasay Doorashada Madaxtooyada 

Waxaana dhalinyaradan iyo shaqaalahan saaka ay u kala baxeen goboladii iyo degmooyinkii ay ku qornaayeen inay ka hawl galaan.

Sidoo kalena dhalinyaradii gobolada Bariga Somaliland ayaa iyaguna labada cisho ee soo socday waxay kasoo amba bixi doonaan gobolada ay ku noolaayeen,iyaga oo usoo amba baxaya gobolada galbeedka Somaliland si ay iskugu sii diyaariyaan gudashada hawsha ay u xil saaran yihiin.

Dhalinyaradan iyo shaqaalaha ka amba baxay saaka Hargeysa ayaa ah dhallinyadii wax ka baran jirtay jaamacadaha dalka,waxaana ay iskugu jiraan dhalinyaro wiil iyo gabdho ah,

Qabsoomida doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa ay ka hadhsan tahay muddo 5 cisho ah,waxaaa 13 bishan dalka ka dhacayso doorashadii madaxtooyada Somaliland,waxaana ay Somaliland yeelan doontaa madaxwayne Cusub oo manjaraha u haya shanta sano ee soo socota.