Dadwayanaha oo Ku Mashquulsan Xisaabinta Codadka Gobollada iyo Degmooyinka, Isuna Gaysanaya Tirooyi Malo Awaal Ah

Hargeisa(GNN):-komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo xarunta KDQ kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay halka ay marayaan hawlaha doorashada madaxtooyada Somaliladn oo maalintii Isniinta ahayd ka dhacday Somaliland.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Imaan Warsame iyo afhayeenka guddiga komishanka Siciid Cali Muuse oo si wada jira u hadlay ayaa waxay ka dhawaajiyen in dhamaan sanaaduuqdii doorashada madaxtooyada Somaliland ay si nabad galiyo ah ugu soo laabteen degmooyinkii ay markii hore ka baxeen,waxaana ay ka dhawaajiyeen in ay hadda bilaabeen tirinta codadkii doorashada ee sanaaduuqda ku jiray.
Dhinac kale guddoomiyaha iyo afhayeenka komishanku waxay ka hadleen warar dhex wareegaya baraha bulshada oo ku saabsan natiijada codadka degmooyinka iyo waliba in ay ciidamada Bolisku ay xidheeen saraakiil ka tirsan xisbiyada Qaranka Somaliland waxaana ay fariin u direen shacabka Somaliland,iyaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayd, waxaana ay shacabka ugu baaqeen inay guddiga komishanka ka sugaan natiijada.
ugu danbayn guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland waxay shaaca ka qaadeen wakhtiga ay sid rasmiga ah ugu dhawaaqayaan natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland iyo murrashax madaxwayne iyo ku xigeenka ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland,iyaga oo sheegay in saddexda cisho ee soo socda ay ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtooyada. Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhego taagaya natiija iyo sidoo kale cidda guuleysatay.
Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan iney aad isku hayaan Labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani,

Halkan Qaar Kamida Asxaabta Mucaaridkuna usii dabaal dageenba guulo aan wali rasmi ahayn oo aan la shaacin.