Dawlada Somaliland iyo Shirka DP World oo Si Rasmi u Kala Saxeexday Soonka Ganacsiga Xorta (Free Zone) ee Lagu Casriyaynayo Dekada Berbera

Warkan oo lagu daabacay shabakada wararka ee GULF NEWS oo laga leyahay Isug Tagga Imaaraadka Carabta ayaaa lagu sheegay in Soonka Ganacsiga xorta ah (Free Zone) u noqon doono mid lagu eekaysiiyay ka ku yaala dekeda Jabal Cali ee Imaaraadka.Heshiiskan waxa isniintii shalay Wada saxeexay gudoomiyaha shirkada Dp World Md Axmed Bin Sulaymaan oo isla markaana ah agaasimaha guud ee fulinta iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Warkan oo Geeska Afrika turjumay ayaa waxa nuxurkiisu ahaa sidan: soonka Ganacsiga xorta ah oo ka dhismi doona dhul dhan 12.2 Milyan Kiiloomitir ay shirkada Dp WOrld dhismihiisa u qaybin doonto dhawr waji oo midka hore yahay in la dhiso dhil dhan 4 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah,waji kastana la bilaabi doono marka la arko in soonka ka horeeyey boqolkii 85 (85%) la isticmaalay.