Guddida Doorashooyinka oo ku dhawaaqay howl-galka qabsoomida Doorashada

Madaxweyne Siilaanyo oo dardaaran iyo duco faray Guddida iyo nuxurka warbixin ku wajahan arrimaha doorashada uu shir-jaraa’id kaga dhawaaqay Guddoomiyaha Guddidu..

Hargeysa(GNN)-Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo warbaahinta uga war bixiyay kulanka ay saaka la qaateen madaxweynaha ayaa sheegay inay Guddidu maanta u kala baxday lixda Gobol ee dalk, iyagoo howsha doorashada magaalooyinka ka maamuli doona.
“waxaanu maanta oo ay bishu tahay 01-Novembar-2017, waxaanu madaxweynaha ugu nimi salaan sharaf iyo inuu noogu soo duceeyo hawsha baaxada leh ee aanu gudo galayno, waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa mudadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu nasiiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen ma hayno lacag aanu idinku caawino, go’aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad inoo caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, waxaanu leenahay saddexda guddomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, waxa kale oo aynu galnay kaadh qaybintii, maanta waxaanu u ambabaxaynaa 6da gobol ee dalka, sanaaduuqdii doorashaduna maanta ayay meel kasta tagayaan”.
Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka “waxaanu halkan fariin u diraynaa shacabka reer somaliland inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota, inay kalsooni buuxda ku qabaan 7-komishanka ahi inay daacad yihiin, diyaarna u yihiin inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo cadaalad ku dhisan, kalsoonidaas waxaanu ka codsanaynaa axsaabta iyo shacabka, waanu dhaaranay markii aanu xafiiskan imanaynay cadaalad ayaanu ku dhaaranay cadaaladiina waanu wadnaa”ayuu yidhi Guddomiyaha Koomishanku.
Halkan ka Daawo:

Doorashada Madaxtinimada Somaliland, ayaa ku beegan 13 Bishan November, waxaana hadda socda Olollaha Murrashaxiinta asxaabtu dhoola-tusyo kaga sameynayaan Gobolada dalka.