Imaaraadka Oo Lagu Eedeeyay Inuu Hub Siiyo Maamullada Soomaaliya Iyo Farmaajo Oo Shalay Dalkaa U Dhoofay

Hargeisa(GNN):-Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay isla-markaana carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Dalka Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay ama ugu geysay qaar ka mid ah maamulada ka dhisan Dalka Soomaaliya, taasina ay dhaawac ku tahay cunaqabeynta hubka ee saaraan Soomaaliya

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Daba-galka  Cunaqabataynta Hubka ee Saaran Soomaaliya iyo Eratariya, ayaa War-bixin ay soo saareen ku sheegay inay hayaan caddeymo ku saabsan hubka ay dowladda Imaaraadka ay siisay qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira, Wallow aan la xusin kuwa Maamulladaasi yihiin.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee dhinaca hubka ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Budhcad-badeedda Soomaaliya, sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya.

War-bixinta ayaa lagu xusay in Markab ay leeyihiin ciidamada Midowga Yurub uu gacanta ku dhigay Markab laga soo raray dalka Imaaraadka oo ku socday Soomaaliya.

War-bixintan ka dib, waxa Shalay Dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta u dhoofay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada-hadli doonaan in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex-dhaxaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay khilaafka Dawladaha Khaliijka, fudadaynta howlaha socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Dawladda Soomaaliya kula jirto Kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waa booqashadiisii labaad ee uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.