Madaxweynaha La Doortay Oo Ka Hadlay Sida Uu Ula Dagaallamayo Dhaqannada Dilay Dawladnimada Iyo Musuqmaasuqa.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha la doortay ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland. Madaxweynaha la doortay ayaa ka hadlay dhibaatada is fahan la’aanta bulshadu ku hayso nidaamka dawladeed ee dalka, waxaanu bedka soo dhigay in lala xisaabtamo masuuliyiinta musuqmaasuqa kula kaca, halkii lala xisaabtami lahaa shaqaale hoosaadka.

Kulankan oo ka  qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE shalay, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo kala matalayey guddiyadii ololaha ee gobollada, ayaa madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadaasi kala duwan ee doorashadii xisbiga KULMIYE uga hawlgalay dalka waqtigii ololaha doorashada lagu jiray, isagoo ku ammaanay xubnahaasi inay doorkii ay ka qaateen dib-u-doorashada xisbiga ee mar labaad iyo guushii uu ka soo hooyey doorashadii la galay.

Xubno ku hadlay afka guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa si xeel-dheer u sharraxay tallaabooyinkii xisbiga KULMIYE guusha u soo hooyey ee ay qaadeen waqtigii ololaha, waxaanay u mahadceliyeen shacabweynihii reer Somaliland ee codkooda la garab galay xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna ku bogaadiyey guddiyadii ololaha sidii naf-hurnimada lahayd ee ay uga qaybqaateen guushii xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxweynenimo ee dalka ka qabsoontay 13 November 2017, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan sidii xukuumadda cusub ee dhawaan la dhisi doono iyo shacabku u wada yeelan lahaayeen xidhiidh fiican oo joogto ah.

Hirgelinta balanqaadkii KULMIYE

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu si degdeg ah u hirgelin doono ballanqaadyadii ay guddi ahaan iyagoo ka wakiillo ka ah murrashaxiinta xisbiga KULMIYE u gudbiyeen shacabka, isla markaana uu caddaalad iyo sinnaan ku maamuli doono guud ahaanba shacabka reer Somaliland.

Haseyeeshee madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xubnaha wakiillada ka ah guddiyada ololaha xisbiga u sheegay inaanu marnaba talada ka goosan doonin xisbigiisa KULMIYE, isla markaana wixii talo iyo tusaaleba ah mar walba uga marti yahay.

Waxa kaloo tilmaamay sida ay uga go’antahay inuu la dagaallamo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida qaranka ee uu ka mid yahay musuqmaasuqu oo sheegay inuu ku adkaysan doono xataa haddii uu ku waayayo dad hore u taageersanaa.

Isagoo arriNtaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Hooyada miyiga joogtaa waxay doonaysaa biyo, tacliin iyo caafimaad…. dadka marka la yidhaa cashuurta bixiyana waxay odhanyaan waa musuq oo waad cunaysaan ee maxaanu idiin siinaynaa dadka waxba u qabanmaysaane. Dawladdana haddii inta u sarsaraysaa iskula dhiciwaydo musuqa oo ay odhanwaydo innagii baa wax wadna kuyar oo la qabto oo keliya waxba tarimaayo, eexda haddii la macneeyo islama garanayno, musuqa iyo hufnaanta islama garanayno, waxa qaranka aan ka doonayo islama garanayno, waxa qaranka yaalaba haddii aan reer qudha u dhiibo ma raaligelin karayo, waanay i sugaysaa berri fartaydii eedayeey oo khasaarayeey, taa anigu iskaga diyaar baan u ahay, laakiin waxay dhibi doontaa raggiina mustabaqlka doonaya inay xisbiga iyo siyaasadda sii galaan, waa xal aynu u baahannahay in aynu helno, waar fartaada eed waayo iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu madaxweynaha la doortay yidhi “Waxay ila tahay wax badan baynu u baahannahay qaranku inuu isla fahmo, wax badan bay tahay in aynaan isku qarin oo ka xishoon, waayo waxaynu isku qarinaa wuu innagu qarxayaa,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadaladan Muuse Biixi ayay bulshadu shalay ilaa xalay aad u hadal haysay, waxaanay u muuqdaan hadalo taabtay dareenka shacabka oo la daalaa dhacayay muddo dheer dawlad xumo iyo masuuliyiin musuqmaasuq ku caan baxay.