Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Maqaal Aad u Xiiso Badan ku Baahiyay Wargeyska Financial Times.

“Golaha wasiirrada  waxaan ku soo xuli doonaa    aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda”

“Maamulkayaga waxa ka go’an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga ”

Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday inuu suulin doono Musuqmaasuqa, soona celin doono kalsoonidii bulshada

Hargeysa(GNN):- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shaaca ka qaaday inuu suulin doono  musuqmaasuqa dalka ka jira isla markaana uu soo celin doono kalsoonida shacabka.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu Golaha Wasiirrada  ee uu  magacaabayo ku xulan doono aqoon,waayo-aragnimo iyo karti.

Madaxweynaha la doortay wuxuu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu Salaasadii maanta ku qoray Wargeyska caanka ah ee Financial Times, waxaana qormadan ciwaan looga dhigay “Caqabadaha Somaliland ay waajahaysaa   maaha dhalanteed.”

Warbixintan oo aad u xiiso badan waxaa soo turjumay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan,  Cumar Maxamed Faarax, waxaanu ka diyaariyay warkan:-

“Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay dimuqraadiyada iyo doorashadii Somaliland, waxa uu yidhi; “Toddobaadkii hore Guddida doorashooyinka madax-bannaan ee Somaliland waxay  ku dhawaaqeen natiijadii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November.

Waxay ahayd doorashadii lixaad ee xidhiidh uga qabsoontay Somaliland, illaa 2003-dii, dadweynaha Somaliland waxay ka qaybgaleen nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinkii nabadgelyada u qabsoomay, kuwaasi oo 60 goobjooge oo caalami ahi caddeeyeen inay u dhacday si xor ah oo xalaal ah oo ay aqbaleen natiijadii  doorashada  saddexdii xisbi ee murrashaxiintoodu tartanka galeen.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray  in  diiwaangelintii codbixiyeyaasha  ee Somaliland  adeegsatay farsamada  isha bu’deeda la sawirayo  ee loo yaqaanno (iris-recognition technology) uu caddaynayo  sida Somaliland ay uga go’an tahay inay jeebadeeda  ka maalgeliso hay’adaha dimuqraadiyada iyo isku-xukunka sharciga.

Muuse Biixi waxa uu sheegay inay sharaf u tahay  isaga  in  ummadda reer Somaliland  u doorteen madaxweynahooda shanta sannadood ee soo socda. “Waxaa ii sharaf ah in dadka reer Somaliland ii xusheen madaxweynahooda. kooxdayda xiliga kala-guurku waxay bilaabeen shaqo adag oo ay ku diyaarinayaan xaflada caleemo-saarka ee bisha fooda innagu soo haysa qabsoomaysa,”ayuu  yidhi madaxweynaha la doortay.

Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay in xasilooni darrada ay kooxda Alshabaab gayaysiisay  meelaha ka baxsan xadka  koonfureed ee Somaliland  la wadaagto Soomaaliya iyo facaa’ilka budhcad badeedu ka wadaan xeebuhu, ay Somaliland ku kalifeen inay si adag ula socoto oo ay taageerto dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxahaas.

“Maamulkayaga waxa ka go’an inaanu kharash gelino amaanka, si aanu u ilaalino shacabkayaga  iyo dadka ajaanibka ah  ee degan ama  ka ganacsada dalkayaga,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu tilmaamay in caqabadaha dhaqaale ee  jiraa  ay Somaliland  ka dhigeen  dalka  ugu hooseeya   [GDP] wax-soo-saarka gudaha (Gross Domestic Product). Waxaannu intaas ku daray in shaqo la’aantuna marayso heer aad u sareeya, gaar ahaan dhallinyarada,  iyadoo  Boqolkiiba Toddobaatan bulshada reer Somaliland ay da’doodu  ka hooseyso 30 jir.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu maalgelin doono kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland, isla markaana uu abuuri doono fursado shaqo, waxaannu yidhi “Waxaannu rajaynaynaa horumarinta waddooyinka, korontada,  dekedihii hore u jiray iyo dekeddo cusub oo laga hirgeliyo xeebtayada dhererkeedu yahay 850km  ay suurtogelin doonto koboc iyo isku-dheelitirka dhaqaalahayaga.”

“Maamulkaygu wuxuu ku  qalabayn doonaa wasaaradda caafimaadka inkaaniyaadka aasaasiga ah, si hoos loogu dhigo heerka  dhimashada caruurta. Waxa kaloo aanu ka shaqeynaynaa sidii biyo nadiif ah loogu heli lahaa degaannada miyiga ah,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada, waxaa  uu iftiimiyay in waxbarashada  la helaa  ay hooseyso  Somaliland,  taasi oo ay kala mid tahay dalalka kale ee mandaqada. Waxa uu carabaabay inay dhiirigelinayaan xoojinta heerta tacliinta sare oo ay samayn doonaan dib u hayn. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in hagaajinayaan tayada waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare.

Madaxweyne Muuse waxa uu xusay in maalgashigii  DP World  ay  $442 Milyan  gelinayso marsadda Berbera ay tahay mid muhiim u ah dedaalka Somaliland ugu jirto inay dekedda ka dhigto xuddunta ganacsiga Geeska Afrika.

“Waxaanu horumarinay ganacsiga aanu la wadaagno dalka isu-tagga Imaaraadka carabta  iyo Itoobiya oo aanu sii ballaadhinayno shanta sannadood ee soo socda,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladiisu sii wadayso dedaalka ictiraaf raadinta Somaliland oo uu samayn doono inuu ku xoojiyo qorsheyaal mucayin ah oo ay ka mid tahay inay dalalka  la yeeshaan cilaaqaad ku dhisan laba dhinac.

 Madaxweyneynuhu  wuxuu amaanay madaxweynaha uu xilka kala wareegayo ee Axmed Siilaanyo oo uu sheegay inuu isku hawlay  amaanka qaranka iyo maalgelinta Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa caddeeyay qorshihiisa la xidhiidha suulinta musuqmaasuqa ka jiray Somaliland toddobadii sannadood ee la soo dhaafay. Waxaanu intaas ku daray inuu xiddida u siibi doono oo uu uga shaqeyn doono danta bulshada sida ugu wanaagsan.

“Golaha wasiirrada  ee aan soo magacaabayo, waxaan ku soo xuli doonaa    aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda, kuwaasi  ay ka koobnaan doona   bulshada Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu balanqaaday   inuu soo celinayo kalsoonidii bulshadu ku dooratay.