Maraykanka oo sheegay in ay dileen 40 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab iyo Daacish

ย  ย  ย  ย Colonel Rob Manning

War ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa faah-faahin lagaga bixiyey duqeymo todobaadkii u danbeeyey ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya-

Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 40 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen duqeymahaas, waxaana ay ka kala dhaceen Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolka Bari ee Puntland.

Rob Manning Afhayeenka Pentagon ayaa sheegay in qaar kamid ah weerarada ay fuliyeen diyaaradohoodu lala eegtey koox ka tirsan ISIL ama Daacish.

Manning ayaa sheegay in ay fuliyeen todobaadkii u danbeeyey shan weerar oo ka dhan ah al-Shabaab iyo Daacish, waxaana uu xaqiijiyey in ay dileen dagaalyahano gaadhayaย  ILaa 40 xubnood.

 

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992