Maraykanka Sideed Qof Oo Ku Dhintay Weeraro Ka Dhacay Magaalada New York, Cidka Ka Danbaysay +Sawiro.

New York(GNN):-Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari la jiirsiiyey dad marayey wado ay isticmaalaan inta badan baaskiilada oo ku taal bartamaha magaaladaasi ee loo yaqaan Lower Manhattan, booliiska ayaa toogtay oo dhaawacay ninka weerarka geystay.

Eedeysanaha ayaa kahor intaan la qaban gaarigiisa ku dhacay gaari bas ah oo ay saarnaayeen caruur arday ah, wuxuuna kadib ka degay gaarigiisa isagoo gacanta ku sita bistoolad been ah, waxaana isla goobtaasi ku toogtay askari booliis ah. Danbiilahan oo ay xabada caloosha uga dhacday ayaa dhaawaciisa isbitaalka la dhigay waxaana ku socda baaritaan.

Ninkan oo lagu magacaabo Sayfullo Saipov 29 sano jir ah, ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Uzbekistan, isla markaana ku noolaa dalka Maraykanka muddo 7 sano ah. Wuxuu dalkaasi ku soo galay mashruuca VISA Lottery oo uu Maraykanka bixiyo.

“…Wuxuu ku dhawaaqayey Allahu Akbar….” ayey yiraaheen dadka goobjoogayaasha ah. Waxaana sidoo kale ay booliiska ka heleen gudaha gaariga uu weerarka ku fuliyey, waraaq uu ku qoray Af-Carabi oo uu ku sheeganayo inuu xubin ka yahay kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

Duqa Magaalada New York iyo Guddoomiyaha gobalkaasi oo shir jaraa’iid qabtay ayaa ku tilmaamay weerarkan mid fuleynimo ah isla markaana sheegay in lasii adkeyn doono amaanka magaalada oo bartilmaameed u ah mar walba kooxaha xagjirka ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn xaruntii World Trade Centre ee lagu burburiyey weeraradii 11kii September 2001.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in dad gaaraya 11 qof ay dhaawacyo culus kasoo gaareen weerarkan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter ku sheegay in la sii adkeyn doono baaritaanka dadka soogalaya dalkaasi, walow uusan faah faahin qorshahan iyadoo horey maxkamadaha u diideen xayiraadii uu dul dhigay wadamo Muslimiin ah oo ay ku jirto Soomaaliya.