Qiso Aad U Xiiso Badan Oo Soo Dhexmartay 1983 kii General Dr.Ibrahim Adam Xaal Xaal (Doolaal) iyo Madaxweynaha La Doortay Muuse Biixi Cabdi.

” HAMBALYO : Madaxweynaha la doortay ee SOMALILAND oo aanu muddo dheer aqoon isu lahayn ayaa ku guuleystay Madaxweynaha SOMALILAND ee shanta sano ee soo socota.

Waxaan soo xusuustay markaan ku guuleystay markaan xabsiga boolisiyo militare ka soo daayay isaga Iyo duuliye Qamariye ah. Muse waxaan u howlgalay in tababar dibada ah loo diro taaso u iga ogolaaday wasiirkii Gaashaandhigu. Nasiib daro markii la gaadhay ayaa amar Madaxweynihii dalka ka yimid la amray in Muse Biixi la xidho.

Markii amarkii baxay ayaa anoo xafiiska fadhiya ayuu qof muhim ihi ii soo galay wuxuuna ii sheegay arrinta cusub ee Muse khuseysa, run ahaan waan naxay laakiin go’aan degdeg ah ayaan qaatay. Waxaan aaday gurigi Muse,albaabka ayaan garaacay, waxa iga furtay xaaskiisa, markay ii aragtay wey naxday madaama aanaan weligay gurigood soo gelin!!! Wey ii soo dhooweysay , fadhiga ayaan fadhistay!! Waxaan idhi ” muse mee”, wu hurda!!! Soo toosi!!! Soo kac, yaab, tolow maxa dhacay?? Toos ayaan ugu idhi ” waad xidhantay, Boolis iyo Milatarigiiba wey kugu soo socdaan, soo lebiso oo ina keen intaan lagu iman!!! Wuu naxay laakiin si degan ayuu go’aan geesinimo ah u qaatay!! Wuu soo lebistay , waananu is raacnay isago soo kaxaystay baabuurkiisi waxaanan ku tashanay meel cidlo ah , waxaanan isla garanay inu si qarsoodi ah dalka uga baxo weliba isla caawa !!! Nasiib daro Passapoor ma heysato , Viso ma heysto, Tigidh ma heysato , fasax u ku dhoofo ma heysato , lacag ma heysato laakiin wuxuu heysta ” course maraykanka ah”.

Waxaan ku guuleysan inaan passapoorki Wasaarada Arrimaha Dibada ka soo qaadno intaan warqad codsi ah oo dhoofitaan ah u qoro. 12:00hrs ayaan gacanta ku dhignay!!! Muse isago passapoorki wata u tagay ” xafiiski is kaashiga militeriga ee maraykanka wuxuuna u sheegay inay caawiyaan oo ay Viso Iyo tigidh siiyaan si uu uga badbaado dhibta ku soo fool leh, wuxuuna u sheegay cidda u warka ka helay ee u soo digtay Iyo siduu passapoorka Iyo warqada fasaxa dhoofka ku helay oo qarsoodi ah!!! Kolnel Short wuu naxay, wuxuuna garowsaday khatarta sarkaalkan heysata, wuxuuna u soo diyaariyay Viso Iyo tigidh maraykan ah madaama u heysato “course 2 sano oo maraykanka”.

Muse waxaan ku idhi marka aad maraykanka ka soo noqoto wax hel Iyo wax waaba gurigeyga imo waxaanan kala dardaarmay xaaskeyga ano xaaladana uga waramay.waxaan ku idhi ” bedroomka ku qari oo yeyna cidna arkin xaaskiisa mooyee, ana xafiiskeygi iyo wasaaradiiba kuma noqon oo meelo kale oo aan xukumo ayaan kormeer u aaday!!!! Muse gurigeygi ma iman ee meel kale ayuu ku dhuuntay. Muse waanu is weynay!!! Markii ay 8:30 fiidnimo tahay ayuu gurigeygii yimid wuxuuna xaaskeyga u sheegay inay wax walba u dhamaadeen oo u airpoorka u socdo oo u ” flightka” caawa ku qoranyahay!!! Anigu waxaan jooga ” rugta saraakiisha -officers club”. Xaasku telefoon ayay ii soo dirtay, gurrigii ayaan degdeg ku imid, waxayna ii sheegtay fariinti Muse!!! Toos ayaan airpoorki u imid waxaanan ka soo galay qaybti VIP waxaanan u gudbey qaybta imigirationka, saa Muse oo agtayda taagan oo askarti Hangashta ee ciidanka shandada la wadaan siddi sarkaal dhoof caadi ah u socda!!! War Muse miyaaney ku dhamaan?? Sarkaalki imigirationka, taliye maxaan qabana?? Maxaad sarkaalka “kuyuuga ugu heysaan”, soo dhaaf soo dhaaf, durba exit ugu dhuufey , kooxdii hangashna markay ii arkayn shandadiisi la soo carare oo hoolki u soo gudub!!! Runti isaga deganaansho ayaa ka muuqday laakiin anigu culeys ayaan dareemaayey. 10:30 fiidnimo ayu rakaabki diyaaradi fuulay Musana kuwii ugu horeeyay ee diyaarada fuula ayuu ahaa!!! Banaanka hore ayaan Mareeyaha garoonka Cabdillahi Farmaajo isla taagay isago ii sheekeynaaya laakiin aan kicitaanka diyaarada raagsanaayo. 11:00 oo daqiiqadu dhiman ayay kacday!!! Alhamdulilah alhamdulilah!!!! Anoo ILAAHAY baryaya laakiin dareemaya inaan denbi xaq ah galey oo aad u faraxsan ayaan soo noqday!!! Foozia wa xaaskeyge daarada ayay taagantahay, anoon Baabuurkii ka soo degin ayay igu boobtay ” ma dhoofay ma dhoofay”, haa markaan idhi ayay ooydey oo aan amusiin kari waayay!!! Marna farxad ayay la ooyi marna denbigiisa oo ay garan laadahay laakiin reereysan!!! Muse tag isago 20$ keliya heysta oo aan reerkiina waxba uga tegin oo aan xata la sii dardaarmin. Alle ha nabadgeliyo. Aroorti xafiiska ayaan fadhiya, Siciid Marino wa madaxa kabineetka wasiirka gashaandhiga, telefoon ayuu ii soo direy, wasiirka ku doonaya!!! Horey ayaan u booday oo aan xafiiskii wasiirka galay!!! Sadex sarkaal ayaa ku jiro oo wasiir Samatar hor taagan, salaan askareed ka dib ana linekii ayaan galay!!! Wasiir Samatar, war Doolaal, Muse Bixi ma aragtay?? Haa taliye!!! Oo mee?? Wu dhoofey taliye!!! Xagee, goorma?? Maraykanka. Xalay taliye!!! Coursekii ayuu u baxay!!! Ma hubta??? Haa taliye, anaaba Airpoorka ka dhoofiyey!!! Ma adiga ayaaba dhoofiyey?? Haa taliye!!! Oo taliye maxaa dhacay??? General Abdillahi Cali Cumar oo kooxdan taagan ka mid ah oo ah kii lagu amray inu Muuse soo xidho ayaa isago Indho yaaban igu soo eegaaya igu yidhi ” waxa la amray in la xidho oo ilaa shalay toban jeer ayaa gurigiisi la tagay oo waa laga soo waayay!!! Intaan cadho Iyo indho giriirix isku daray oo aan wasiir Samatar ku jeedsaday ayaan idhi ” taliye haddi Muse la xidhayo in aanu iga foogeyn oo meesha laga heli karo garanayo waad ogtahaye maxaa la igu sheegi waayay??? Wasiirki intu Ina Cali Cumar eegay ayu yidhi ” khalad xun ayaad sameysay, ninkaas adiga ayaa fakiyey, hadana waa in la soo celiya “.

Dowlada Soomaalidu waxay isku deyday in ay Muuse soo celiso iyago u heysta in aanu waxba ogeyn oo u si caadi ah u dhoofey, Muuse wuu diiday ilayn waa xogogaal , markaas ayay dowladu maraykanka ka codsatay in waxbarashada laga joojiyo laakiin Dowlada maraykanka wey diiday madaama ay arrinta Muuse Iyo xadhiga u ka soo baxsaday iyagu wax ka soo badbaadiyeen, sidaas ayuu korneel Muse waxbarashdiisu ku soo dhamaystay 1983-85.

Anigu 1985 waxaan joogay Akadeemiga istarateejiyada nabadgelyada qaranka Iyo cilmi baarista , qaahira, Masar.

Muse halkaas ayuu igala soo hadlay markay waxbarashadu u dhamaatay wuxuuna ii sheegay in Sucuudiga tagaayo laakiin muddo kadib waxaan maqlay inuu SNM ku biirey -1985. Sheekadan waxaan uga dan leeyahay ninki loo xidhay General Gaani ayaa idin soo dacweeyay oo yidhi “airpoorka ” hargeysa agteyda xabad la igaga soo riday isaga (Muuse) ayaa ka danbeeyay ee aan soo daayay oo aan weliba course maraykanka ah u dhameeyay ee hadana amar madaxweyne ha lagu xidho ee aan ku khamaaray siddi aan dowladeedi xilka weyn aan u hayay ugu badbaadin laha Ilaahayna igu asturay ayaan maanta Iyo caawa la joogey isagoa Madaxweyne loo doortay . Doona uu gaadhi doonaa !!!! Madaxweyne HAMBALYO 21/11/2017″

Yaasiin Olol