“Saddex Jeer Ayaan Addoon Ahaa Liibiya la Iigu Kala Iibsaday”

“Saddex Jeer Ayaan Addoon Ahaa Liibiya la Iigu Kala Iibsaday”

Waxaa isa soo taraya wararka ka hadlaya dad nool oo seylad lagu kala iibsanayo dalka Liibiya, waxayna arrintan dusha sare soo marisay walwalkii laga qabay tahriibka sharci darada ah iyo dhibaatada ka dhalata.

Waxaa si dhab ah uga sheekeynaya waxa meesha ka jira qaar ka mid ah dadkii tahriibka ku maray Liibiya.

Harun Axmed waxa uu ka mid yahay kumanaan muhaajiriin ah oo naftooda ku biimeeyay saxaraha, kadibna gaaray dalka Liibiya si uu uga talaabo badda, una gaaro Yurub, halkaas oo nolol tii hore dhaanta ka raadsanayo.

Waxa uu ka yimid dalka Itoobiya , isaga oo gaaray dalka Jarmalka kadib muddo badan uu dusha u dhigtay xabsi, jirdil iyo halis aanan la qiyaasi karin.

Carrada ayaan dhunkannay waa sheeko ku saabsan dhibaatada tahriibka

Dhibaatada Tahriibka iyo maansadii Xabsi Tahriib

Waxa uu ka yimid gobolka Bale ee Itoobiya sanadkii 2013-kii, halkaas oo muhaajiriinta inta badan ay ka yimaadaan shaqo la’aanta baahsan ee halkaas ka jirta awgeed.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Safarkiisa waxa uu ka bilaabay dalka Sudan halkaas oo uu sanad joogay ka hor intii uusan $600 doolar siinin muqalasiin si ay u geeyaan Liibiya.

Lix maalmood ayay ku qaadatay in uu saxaraha ka talaabo, ugu dambeyntiina waxa uu gaaray xudduuda Liibiya, Masar iyo Chad ay wadaagaan, halkaas oo ah meesha tahriibayaasha ay muqalasiinta ku kala badashaan.

Iyaga oo 98 qof ka kooban ayaa la afduubtay, waxaana la geeyay dalka Chad, waxaana madax furasho loogu qabsaday lacag dhan $4,000 qofkiiba.

“Waxaan meesha ugu tagnay dad badan oo ka kala yimid Soomaaliya, iyo Eritrea, shan bilood ayaa meesha lagu heystay, dhibaato badan ayaa loo geystay, xitaa uma aysan ekeen dad bini’aadam ah” ayuu yiri Haaruun.

Kadib 3 bilood oo ay meel ku xaraysnaayeen, lacagtiina ay iska bixin kari waayeen, ayaa Haaruun iyo koox kale oo 31 qof dhan waxaa loo sheegay in lasii iibin doono maadaamaa ay lacagta iska bixin waayeen.

.Lahaanshaha sawirka.

“Labo bilood cunto ma aanan cunin, lafo lafo ayaan noqonay, raggii naloo keenay si ay noo iibsadaan ayaaba diiday in ay na iibsadaan, sababtoo ah waxay dhaheen waa caato aad ah, ma iibsan karno” ayuu yiri Haaruun.

Ugu dambeyntii nin ayaa nagu iibsaday min $3000 qofkiiba, wuxuuna ahaa nin ka yimid magaalada Liibiya ku taala ee Saba.

Saba waxa ay ku xirnaayeen muddo bil kale, halkaas oo si xun loogu jir diley, markii dambane eheladooda ayaa lacagtii ka bixiyay.

Balse markii ay meeshii ka baxeen ayaa waxaa af duubtay qolo kale oo madax furasho ugu qabsaday lacag dhan kun doolar.

Markale ayay waceen eheladooda kadib markii ay u adkeysan waayeen jirdilka, waxaa loosoo gaday xoolo iyo wax kasta oo la heli karay si meesha looga siidaayo.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Haaruun ayaa ugu dambeyntii gaaray magaalo ku taala waqooyiga Tripoli, halkaas oo ay dadka doonyo uga sii tahriibaan illaa Yurub.

Wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu nasiibka badan ee gaaray dalka Talyaaniga, kadibna uga sii talaabay Jarmalka, halkaas oo uu qaxooti ku yahay, lana aqbalay codsigiisa magangalyo doonimo.

Wuxuu sheegay in xitaa haddii ay booliiska ku qabtaan ay kaasii iibsanayaan muqalasiin kale, kaana siisanayaan $500 doolar.

Sanad kasta kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa gala safarada halista badan sida Haaruun oo kale, qaarkood ayaa dhexda ku dhinta, badankoodna waxa ay ku dhintaan badaha, halka inta yar ee gaarta Yurub aysan haysanin damaanad ah in ay helayaan wixii ay halista usoo galeen.

Haaruun oo Jarmalka joogaLahaanshaha sawirkaHARUN AHMED
Image captionHaaruun oo Jarmalka jooga

“Runtii wax iga maqnaa ma jiraan, aqoon daro ayaa i heysay markaan dalkeyga kasoo tagayay, waxna waan iska baran karay, shaqana waan aadi karay” ayuu yiri Haaruun oo ka shalaynaya wixii qabsaday ee dhib ahaa.

BBC somali.