Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Hargeysa Oo Wacdaro La Yaab Leh Ku Soo Khatimay Ololaha Xisbigaasi+Sawiro

Hargeisa(GNN):-Taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE eek u dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa isu soo baxyo aan kala hadh lahayn ku gunaanaday maalinta Toddobaad ee ololaha xisbiga oo maanta ku beegan.

Taageerayaashan oo isaga yimi daafaha kala duwan ee degmooyinka caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, ayaa iyaga oo sida daadka u socda socod kusoo maray shaaricyada magaalada, waxana ay markii dambe isugu soo biyo shubteen xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer ka galeen waddooyinka kala duwan ee xaruntaas ku hareeraysan.

Kumanaan kamid ah taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta KULMIYE, ayaa qaylo iyo saxan ay ku muujinayaan taageerada ay murrashaxiinta KULMIYE u hayaan kusoo galay xarunta beerta xorriyada, waxana isu soo baxooda kala qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xibsiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubnaha guddida ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodijeex, siyaasiyiin, salaadiin, iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah.

Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, guddoomiyaha ololaha gobolka Md. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, madaxtooayda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, siyaasi Xuseen Cali Ducaale Cawil, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana ay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyeen xisbiga ay taageeradiisa muujiyeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad uu kusoo khatimay khudbadihii uu maddadii toddobaadka ahayd ee ololuhu socday kasoo waday gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa si ballaadhan ugu mahadceliyey taageerayaasha KULMIYE, waxana uu ku adkeeyey inay ammaanka iyo wada-jirka dhawraan xilliga codaynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu soo afmeeray maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana uu shaaca ka qaaday in guddoomiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici yihiin laba halyey oo uu u gartay inay qaranka hoggaamin doonaan taladiisa kadib.