Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL, Oo Kormeeray Waxsoo Saarka Beerta Wajaale Ee Ciidamada Madaxtooyada

Wajaale(gnn)Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada, Sareeye Guuto, Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud) oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa maanta 27-11-2017, kormeer shaqo ku tegay beerta waxsoo saarka ciidanka ilaalada madaxtooyada Jmahuuriyadda Somaliland ay ku leeyihiin banka wajaale, taasi oo sanadkiiba ay ciidamadu ku soo bandhigaan waxqabadkooda dhinaca dalaga beeraha ee ay tabcadeen sanadkaasi.

Markii taliyuhu gaadhay beerta waxa warbixin ka siiyey sarkaalka u qaabilsan ciidanka oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen “taliyaha iyo weftiga la socdaba aad ayaanu idin soo dhawaynaynaa, taliye ilaahaybaa mahadleh, ee hawshan waanu qabanay, adiguna waadna garab gashay oo waanu kaaga mahad celinaynaa sidii dedaalka lahayd ee aad noo garab istaagtay, waxna ilaahaybaa haya waxna binu-aadamkaa tabcada, Al-xamdulilaah ilaahayna tacabkaagii naguma qasaaray, aad iyo aad ayanau kugu mahadnaqaynaa waad arkaysaa waxa aanu go’nay wax soo saarkii aanu beernay oo waakuwan inaga danbeeya, inta kalena way noogu talaa, waana sagaal daag oo hada labaanu go’nay ayuu yidhi xidigle Cumar Afweyne oo isagu ah sarkaalka beerta u qaabilsan ciidanka ilaalada madaxtooyada”.

Taliye Sareeyo Guuto Cabdirsaaq Siciid Bulaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “waxa aynu joognaa beerta ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland ay gaarka u leeyihiin oo sanad walba sida loo kala dacab badan yahay wax loola soo baxo, sanadkan sida runtiiya roobkaa nagu yaraa balse waanu dedaalnay, ciidanka aanu u xilsaarnay hawshan oo uu hoggaan u yahay xidigle cumarna way dedaaleen, annaguna waanu garab galnay, runtiina waxa aanu qorshaysanay in aanu wax soo saar fiican ka soo saarno, balse raxmaadka Alle ayaa yaraaday sidaa awgeed sagaal daag ayaanu beernay, sagaalkaa daagna laba ka mid ahi way go’an yihiin oo dhulkay yaaliin, inta kalena runtii anigay ila sugayeen ciidanku in aan la ogaado, tacabkuna ciyaar maaha oo maansha Allaa waxa ka soo baxay waynu aragnaa.

Dalagani waxa uu noqon karaa saad ciidanku ay muddo isticmaali karaan, halka balkana la iibgeyn doono looguna bedeli karo, wixii markaa lagama maarmaanka u ah beerta iyo ciidanka degan, ciidamaduna sidoodaba, ha noqdeen kuwa qaranka, kuwa asluubta iyo booliskaba, waxay leeyihiin beero wax soo saar u gaar ah, ha lagu kala badsado oo tacabka ha la kala badsado oo fikirka ha lagu kala duwanaado, ciidanka ilaalada madaxtooyaduna way dedaaleen, iyagoo gacan qabasho wanaagsan ka helaya wasiirka wasaaradda madaxtooyada oo isaga la’aantii aanay noo suuro gasheen in ciidanku yeeshaan wax soo saar baaxdaa gaadhsiisan, waanan u mahadnaqayaa wasiirka, sidoo kalena waxan u mahadnaqayaa ciidanka dedaalay ee hawshan baaxdaa leh ka dabaashay ee muujiyey awoodaada wax qabad, waxanan leeyahay waad mahdsan tihiin ee halkaa ka sii wada hawsha”.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

 

Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
            nasirnaska77@gmail.com
Tell: 63-4423774