Hargeisa(GNN):-Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay doorashada ka dhacday ku shubasho iyo musuq maasuq baahsan, waxaanay ku war geliyeen wakiiladooda u jooga gobolada iyo degmooyinka dalka inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka.
Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo ka mid ah xubnaha xisbigaas u qaabilsan guddida doorashada ayaa sheegay inay talada ku celin doonaan madaxda sare ee xisbiga Waxaanu yidhi “Doorashadii 13-ka bisha ka dhacday oo ay ahayd in
sidii caadada ahayd ay noqoto doorasho xor iyo xalaal ah, waxa soo baxday oo guddida doorashaduna iska dhaga mariyeen cabashooyin badan oo xisbigaa Waddani u soo gudbiyey, doorashaduna way ka baxday xor iyo xalaaltii waxaana gobolo badan oo wadanka ka mid ah ka dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna waxay kaga jawaabeen aamusnaan.”
Xoghaye Cismaan Afgaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay go’aan ka gaadhi doonto.”
Cismaan Afgaab ayaa sheegay inay dhaceen waxyaabo badan oo musuq ah waxaanu yidhi “Sidaas darteed waxaanu u sheegaynaa inaanu hakinay wada shaqayntii guddida doorashada, waxyaabo badan ayaa dhacay mana sii wadi karno shaqada, dhibaatooyinka jirana waanu u gudbinay, ilaa iyo hadana wax nalala eegay iyo wax ay ka qabteena ma jirto, sidaas ayaanan go’aan ku gaadhnay.”