WARARKA




War Deg Deg Ah:-Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Shaaciyey Inay Joojiyeen Wada Shaqayntii Ka Dhaxaysay Guddida Doorashada.

Hargeisa(GNN):-Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay doorashada ka dhacday ku shubasho iyo musuq maasuq baahsan, waxaanay ku war geliyeen wakiiladooda u jooga gobolada iyo degmooyinka dalka inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen guddida doorashooyinka.

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab oo ka mid ah xubnaha xisbigaas u qaabilsan guddida doorashada ayaa sheegay inay talada ku celin doonaan madaxda sare ee xisbiga Waxaanu yidhi โ€œDoorashadii 13-ka bisha ka dhacday oo ay ahayd in

sidii caadada ahayd ay noqoto ย doorasho xor iyo xalaal ah, waxa soo baxday oo guddida doorashaduna iska dhaga mariyeen cabashooyin badan oo xisbigaa Waddani u soo gudbiyey, doorashaduna ย way ka baxday xor iyo xalaaltii waxaana gobolo badan oo wadanka ka mid ah ka dhacday ku shubasho baahsan markii aanu u gudbinay guddida doorashaduna waxay ย kaga jawaabeen aamusnaan.โ€

Xoghaye Cismaan Afgaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey โ€œWaxaanu ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah goโ€™aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay goโ€™aan ka gaadhi doonto.โ€

Cismaan Afgaab ayaa sheegay inay dhaceen waxyaabo badan oo musuq ah waxaanu yidhi โ€œSidaas darteed waxaanu u sheegaynaa inaanu hakinayย  wada shaqayntiiย  guddida doorashada, waxyaabo badan ayaa dhacay mana sii wadi karno shaqada, dhibaatooyinka jirana waanu u gudbinay, ilaa iyo hadana wax nalala eegay iyo wax ay ka qabteena ma jirto, sidaas ayaanan goโ€™aan ku gaadhnay.โ€