Wararka Cusub Ee kasoo Baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Tirintii Codadka Oo Dhammaystiree.

Hargeisa(GNN):-wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay guddida doorashooyinka ayaa sheegaya inay dhamaystireen tirintii ay ku wadeen codadkii laga dhiibtay gobolka Maroodijeex oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey wadeen.

Sida ay wararku sheegayaan guddida doorashooyinka ayaa haatan diyaariyey natiijada ugu dambaysa ee ka soo baxday doorashadii dhacday 13-kii bisha, iyada oo wararku intaas ku darayaan inay haatan u dabran yihiin in murashaxiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay saxeexaan natiijada si ay  ugu dhawaaqaan.

Xubnaha guddida doorashada ayaa wakiilada xisbiga Waddani u jooga xarunta guddida ku war geliyey inay u yeedhaan murashaxiinta iyo hogaanka xisbiga ee iska leh go’aanka ugu

dambeeya, iyaga oo ku dooday inay u gudbinayaan natiijada doorashada iyo jawaabta ay ka bixiyeen cabashadii ay hore ugu soo gudbiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu yimid xarunta guddida doorashada, kaas oo kulan la qaatay xubnaha guddida doorashada iyada oo kulankaasi u muuqdo inaanu midha dhalin, taas oo keentay in cabdiraxmaan Cirro goor dhawayd la hadlo warbaahinta isla markaana uu soo bandhigo khaladaad uu xisbigiisu ka tirsanayo doorashada, waxaanu carabka ku adkeeyey inay doorashada madaw badani hadheeyeen.

Guddida doorashadad ayaa haatan qorshaynayaa inay maalinta bari ah ku dhawaaqaan natiijada doorashada iyada oo murashaxiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay u muuqdaan qaar aan saxeexayn natiijada  isla markaana cabasho balaadhan ka qaba habkii ay u dhacday doorashadu iyo shaqadii ay qabteen guddida u xilsaarnayd hawshani.