Wasiir Garas:“Muuse hadduu Murrashax qabiil yahay Ismaaciil yare iyo Axmed Jaambiir ayuu u yeedhan lahaa”

Wasiir-u-dawlaha Macdanta oo booqasho ku tegay deegaamo ka tirsan Degmada Faroweyne..Daawo Muuqaal

Faroweyne(GNN)-Wasiir u dawlaha Macdanta iyo Tamarta Somaliland Yuusuf Cismaan Garas iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, oo shalay booqasho la xidhiidha Olollaha Doorashada ku tegay deegaamo ka tirsan Degmada Faroweyne, ayaa sheegay in Murrashaxa Xisbiga KULMIYE uu yahay masuul qaran oo waddanka hogaamin kara.
Wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo ka hadlayey mid kamida munaasibado ay taageerayaasha Degmada Faroweyne ku muujinayeen cududdooda, ayaa intaa ku daray inaan Murrashax Muuse ahayn Nin qabiil loo aanayo, isagoo dhanka kalena dadweynaha Degmadaas uga mahad naqay taageerada xisbiga Kulmiye, kulana dardaarmay inay codkooda siiyaan.
Wasiir-u-dawluhu waxa kale oo uu soo dhaweeyey dhalinyaro sheegay inay ka baxeen xisbiga WADDANI oo kulmiye ku biiray.
Waxa kale oo iyaguna munaasibadaas ka hadlay xildhibaano, Waxgarad iyo xubno kamida hormuudka Bulshada deegaamada Faro-weyne, kuwaasoo balanqaaday inay codkooda iyo cududdoodaba la garab taagan yihiin Xisbiga Kulmiye.
Halkan ka Daawo: