Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Sheegay In Doorashadani Somaliland U Horseedi Karto Citiraaf

Hargeisa(GNN):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay hadii ay doorashadani si nabad-galiyo ah ay ku qabsoonto in Citiraafka Somaliland beesha caalamka raadineyso ay soo dhaweyn karto.

Sidoo kale waxaa uu bulshoweynta reer Somalilandka codsaday inay si degan oo bilaa caadifada ay u codeeyaan.

Dr. Sacad Cali Shire waxaa uu bulshaweynta Somaliland ka codsaday inay codkooda u dhiibtaan si deganaanshiyo ay ku jirto waxaanu yidhi “Barito waa maalintii la codeynayay, ee safka la galayay qof wal oo ka qayb galayaa, iyo qof  wal oo muwaadina, waxaa ku waajiba inuu ilaaliyo nidaamka, waxaa inoo qaabilsan maamulka doorashada sida loo galaayo waxaa inoo qaabilsan gudida doorashada, dawladuna waxaa ay qaabiilsan  tahay dhinaca abniga, waxaanan ka codsanayaa qof waliba inuu la shaqeeyo ciidamada amaanka”

Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in doorashada oo si xor iyo xalaala u dhacda ay soo dhaweyn karto aqoonsiga Somaliland waxaanu yidhi “Hadii doorashadaasi si wanaagsan inoogu dhacdo xisbiga hela oo kali ahi muu-guuleysan, Somalialnd oo dhanbaa guuleysatay oo citiraafka Somaliland ayay so dhaweyn kartaa,doorashadan soo socotaa dhalinyaroy waa doorashadiini, waa mustaqbalkiini, waxaana loo baahan in idinku lexe jeclo gaara aad u yeelataan, oo dhawrataan, oo aydaan cidna ka yeelin”