Akhri:Wareegto uu Soo Saaray Saaka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland