Cali Guray Oo Ka Hadley Golaha Wasiirada Uu Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabey.

Mujaahid Cali Guray Ayaa Markii u Horaysay ka hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Golaha Wasiirada Ee La Magacaabay.

Siyaasi Cali Guray ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn ugu ololaynaayay Madaxweyne Muuse Biixi Wakhtiyadii Ololaha .

Cali Guray oo Arimahaasi Ka Hadlayaa Wuxuu Yidhi”War nabada la idin sii. Anigu ka mid ma ahi kuwii uu Madaxwaynuhu ka sii dardaarmay uu yidhi hadhaw ha odhanina FARTAYDA EEDAYEEY waayo umaan dooranin Madaxwaynaha inu wasiir iga dhigo oo waan sii garanayay xeerka i qaban doona oo ah ” QAYBIYAA QADA” waana gobanimo ee gunnimo maaha. Afartaa xan durugtiyo, danni jira ogaalkii.

Tan kale waxan ka markhaati kacayaa in xukuumadda uu soo dhisay madaxwaynuhu ay tahay mid kooban oo tayo leh marka loo eego tii ay bedeshay, marka aan sadarada dhexdooda akhriyona xul iyo xalba way tahay xiligan ayno. Xubnaha wasiirada xukuumadda cusub waan wada hambalyaynayaa. Shacbiga axraarta ah ee Somaliland waxan leeyahay Madaxwaynaha ha la siiyo wakhti xukuumadiisana aynu tijaabino ee yaan laga dayrin” ayuu yidhi Cali Guray

Exit mobile version