Dhiganaha Dhaxalkii Madaxweyne Siilaanyo/Qormadii 1aad.

1,Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Kor U Qaaday Dhaqaalaha Dalka Waxaanay Ahayd Miisaaniyada

1,Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Kor U Qaaday Dhaqaalaha Dalka Waxaanay Ahayd Miisaaniyada Qaranka Wakhtiguu Dalka La Wareegay,30 Milyan Waxaanu Gaadhsiiyey 400,000 Kun Oo Milyan

2,Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Hirgeliyey Dhismayaashii Ugu Quruxda Badna Ee Wasaaradaha Dalku Yeeshaan,Halka Wasaaradaha Qaarkood Ay Ku Jireen Guryo Kiro Ah,

3 Waxay Xukuumadu Ku Dhiiratay In Mushaharka Loo Kordhiyo Shaqaalaha Dawlada Iyo Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka,

4,Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Dalka Ka Sifeeyey Lacagtii Gaynbaarta Ee Dalka Laga Isticmaali Jiray,Waxaana Guud Ahaan Dalka Ka Hirgashay Lacagta Jamhuuriyada Somaliland,

5,Waxay Bilash Ka Dhigtay Waxbarashada Dugsiyada Dawlada Oo Lacag La,aan Laga Dhigay,
Xukuumada Somaliland Waxay Dubu Habayn Ku Samaysay,Madaarada Dalka Gaar Ahaan Madaarka Cigaal International Airport,Waxaanu Maanta Ku Biiray Madaarada Ugu Caalamisan Africa,

7 Madaxweynaha Siilaanyo Wuxuu Kor U Qaaday Ictiraaf Raadinta Waxaanu Qaaday Talaabo Dublumaasiyedeed Tii Ugu Xiisaha Badnayd,Waxaana Ibo,Furay,Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya,Waxaanay Arintaasi Soo Jiidatay Indhaha Beesha Caalamka Iyada Oo Lagu Sifeeyey Talaabo Dublumaasiyadeed,

 8 Waxaa Kor Loo Qaaday Adeegyada Caafimaadka Waxaana Markii Ugu Horaysay Dalka La Keenay Qalabka Lagu Sifeeyo Kelyaha

9, Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Waxay Dalka Ka Hirgelisay Wadooyinkii Ugu Tirada Badna Halka Qaarna Dubu Habayn Iyo Dayactir Lagu Sameeyey,

10, Waxaa Kor Loo Qaaday Adeegyada Garsoorka Iyo Cadaalada,

11 Siilaanyo Wuxuu Sii Adkeeyey Nabada Iyo Xasiloonida,Iyaga Oo Xurgufihii Dhexyaalay Beelaha Somaliland Qaarkood Xalisay,Kuna Soo Dabaashay Wada Noolaansho Iyo Walaalnimo,

12 Waxaa Markii Ugu Horaysay La Dhaqan Geliyey,In Dhalinyarada Somaliland Siyaasada Ka Qayb Gasho,25 Jir Taas Oo Noqotay Iftiin U Baxay Dhalinyaro Hami Iyo Hiigsi Fog Leh Oo La Dabray

13, Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Ku Guulaystay Qaybinta Darajada Ciidamada Qaranka Somaliland,Oo Markii Hore Aan Kala Lahayn Sumad Iyo Sawrac Toona,Maanta Ciidanka Qaranka Somaliland Waxaa Ka Muuqda Haykalkii Dawladeed,

14,Madaxweynaha Axmed Siilaanyo,Wuxuu Dib U Daabacay Lacagta Shilinka Somaliland,Waxaana Markii Ugu Horaysay Dalka Laga Isticaamalay Lacagta 5 Kun Iyo 1000 Shilinka Oo Hal Warqad Ku Wada Yaala,

15 ,Waxay Ku Dhiiratay Inay Dhagax Dhigto Dhismaha Wadada Ceerigaabo,Oo Dawladihii Ka Horeeyey Ku Dhiiran Waayeen,Waana Ta Sababtay In Gobolka Sanaag Ay U Furmato Jidka Horumarku,Waana Laga Dhabeeyey Hirgelinta Jidka Weyn Ee Magaalada Ceerigaabo,

16,Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Qayb Laxaadleh Ka Geystay Warbaahinta Qaranka Gaar Ahaan Ilacada Qaranka,Waxaana Markii Ugu Horaysay Laga Dhegaysta Gobolada Dalka Iyo Wadamada Jaarka Ah,

17,Waxaa Markii Ugu Horaysay Lagu Guulaystay Sanduuqa Sdf Ee Horumarinta Somaliland Kaas Oo Noqday Dhaxal Lagu Faani Karo Oo Wax Ka Bedelay Awooda Dhaqaale Ee Dalka

Maal Gashiga Dalka

Madaxweynaha Somaliland Isaga Oo Ka Duulaya Shaqo La,aanta Haysata Dhalinayarada Iyo Muhiimada Qaranka U Leedahay In Wadanka La Maal Geliyo,Waxa Uu Dalka Keenay Shirkado Waaweyn,Oo Manfac Iyo Waxtar U Leh Qaranka,

18,Shirkada DP-world, Oo Laga Leeyahay Dalka Imaaradka Waxay Maal Gelisay Dekeda Caanka Ah Ee Berbera,Taas Oo Ibo Furtay Horumar Laxaadleh

19,Saldhiga Imaaradka Carabta Laga Siiyey Magaalada Berbera,Taas Oo Muujisay In Somaliland Dalkeeda U Madax,banaantahay,Gacan Kalena Maamulin,

20,Diyaarinta Manhajka Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland,Dugsiyada Sare Hoose Iyo Dhexe

Lasoco Qaybta Labaad,

WQ/Abdirahmaan Rooble Abdilaahi(Tiriike)

wariyetiriike@gmail.com

252,0634300826/65 252 9324073