Khasaraaha Hanti badan oo Ku Gubatay Dab ka Kacay Magaalada Wajaale

Dab xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu xalay ka kacay Magaalada Wajaale ee ku taalla xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana halkaas ku gubtay hanti badan, kaddib markii uu dabku qabsaday goobo-ganacsi oo ku yaalla suuqa Ganacsiga ee Magaaladaas.

Magaalada Wajaale ayaa ah xarunta ugu weyn ee Ganacsiga Baddeecadaha kala duwan ee Somaliland.

Masuuliyiinta Deegaanka ayaa xaqiijiyey in hanti ka badan Boqol Meheradood ku shuf-beeleen Dabkaas.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa xaqiijiyey in dabku bilowday abaaro 2:30 Habeennimo ee xalay, iyadoo la hurdo.

Masuuliyiinta Dawladda ayaa sheegay in baadhis lagu hayo sababtii keentay gubashada iyo intaa leeg,

Halkan ka Daawo Madaxda Ciidanka Booliska iyo Maamulka heer Gobol iyo Degmo oo ka hadlay dhacdada dabkaas:

Magaalada Wajaale oo ay ku yaallaan boqolaal Meheradood oo Ganacsi, waxa ka shaqeeya hal Gaadhi oo nooca dab-damiska ah, kaasoo xaaladaha dabka la tacaalaa labada daamood ee Somaliland iyo dhanka Itoobiya-ba.