Soomaali kale oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Cumar Salaad Xaashi iyo  Liibaan Salaad Xaashi  ayaa noqday dhibanayaashii u dambeeyay ee lagu dilo dalkaasi koonfur Afrika, gaar ahaan Magaalada Johannesburg sida ay sheegeen ehelada labada nin.

Burcad hubeysan ay Khamiistii ku dileen wiilashaasi magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika,kuwaasi oo dilkooda loo adeegsaday baaskood,taasi oo keentay in Cumar Xaasi uu isla goobtaasi ku dhintay,halka Liibaan Xaashi uu dhaawac soo gaarey uu u dhintay.waxayna arrintaasi abuurtay  walaaca Soomaalida dalkaasi ku nool ay ka qabaan dhibaatooyinka sii kordhaya ee lagula kacayo dadka Ajaanibta ah ee dalkaasi kunool oo Soomaalida ay kujirto.

Tacdiyada loo geysto dadkaasi waxaa kamid ah dilal qorsheysan,weeraro lagu qaado deegaanadooda iyo boobka loo geysnayo hantidooda,taasi oo sii kordhisay in dadkaasi ayla noolaadaan walwal joogta ah oo aan isbedel lahayn.

Waxaa jira bannaan baxyo ballaaran oo ay Jaaliyadda Soomaliyeed ka dhigeen dhismaha xarunta Baarlamaanka Dalkaasi,iyagoo dalbanaya in sharciga iyo cadaaladda la horkeeno dembiilayaasha geysanayaa dilalka qorsheysan