Xoghayihii Gaarka ahaa ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo iska casilay Xilkii uu Ka Hayay Xisbiga.

ISCASILAAD

19 Dec 2017

KU: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Mudane Guddoomiye:

Waxaynu halgan siyaasi ah soo wada-bilawnay horraantii sannadkii 2010-kii, markaas oo aynu kulankeennii ugu horreeyey ku yeellanay Hotel Maansoor, waxaynu muddo ka wada-tirsanayn Xisbigii UCID, si aynu u gaadhno hadafkii siyaasadeed ee aynu ku ballannay waxaynu sannadkii 2011 aasaasnay Urur-siyaasadeedkii WADDANI oo dedaalkeeni ugu soo gudbay Xisbi qaran.

Waxan Xisbiga WADDANI kasoo qabtay Xilka Xoghayaha Warfaafinta muddo 4 sano oo xidhiidh ah, iyada oo aan wakhtigaas ku guulaystay in Urur-siyaasadeedkii WADDANI noqdo kii ugu wanaagsanaa dhinaca warbaahinta marka la barbar-dhigo Ururadii kale ee kula tartamayey saaxadda siyaasadda, xilkaas waxan wareejiyey sannadkii 2014-kii, markii uu Xisbiga kusoo biiray Mujaahidkii weynaa ee Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) kadib markii aad iga codsatay inaan u banneeyo kursiga maadaama aan hayb ahaan kuugu dhawaa.

Inkasta oo aan ka warwareegay qabashadiisa, waxad iga codsatay inaan qabto Xilka Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha, waxanan soo hayey xilkaas muddo ku siman 3 sano oo aynu kasoo gudubnay caqabado tiro badnaa, xilkan oo muddadii aan hayey ugu shaqaynayey si muta-dawacnimo ah (Volunteer).

Kulan aynu yeellanay bishii March 2017, waxan kaa codsaday inaad iga aqbasho inaan xilka Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha ka tago, si aan ugu mashquulo hawlo ii gaar ahaa, waxad se Mudane Guddoomiye iga diiday inaan banneeyo xilkaas isla markaasna aan kusii shaqeeyo inta doorashada Madaxtooyada Somaliland la galayo.

UJEEDDADA HADALKAYGU WAA

• Waxan oofiyey ballankii aynu wada-galnay sannadkii 2010-kii ee ahaa inaan ku gaadhsiiyo tartan Murashax Madaxweyne JSL, taas oo aan in badan usoo samray, waxana aynu nasiibkeenna ka qaadday tartankii doorasho ee dalka ka dhacay 13 Nov 2017.
• Waxan kuula soo shaqeeyey si xilkasnimo, dedaal iyo daacadnimo ahayd, iyada oo aan ahaa qofka aad ku aamintay inta badan xogtaada, aniguna aan ilaaliyey isla markaasna ilaalin doono xog kasta oo aynu wadaagnay.
• Waxan maanta doonayaa inaan dib-u-qaabeeyo kana fikiro jihada mustaqbalkayga siyaasadeed, hankii aan lahaana halkiisi kasii amba-qaado.

GO’AAN

Waxan Go’aansaday inaan iska casilo Xilkii Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha, Xubinnimadii Guddiga Fulinta, Xubinnimadii Golaha Dhexe, Xubinnimadii caadiga ahayd ee Xisbiga intaba.C0E011C1-75F1-4EE7-997A-2DCB866D2277

Md. Maxamed Xasan Dirir
Xoghayihii Gaarka ahaa ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI (Hore)