Daawo Goob Joogayaal Ku Sugan Deegaanka Tuka-Raq Oo Ka Waramay Sida Uu Dagaalku U Dhacay Halka Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamda Somaliland.

Wariyeyaasha Gobolada Barriga Somaliland Ayaa Khadka Telefoonka Ku Waraystay Mid Kamida Saraakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland Waxaanu Yidhi Sidan” Ciidamada Somaliland weerar ma qaadin laakiin waxay jawaab celin ka sameeyeen weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday xalay sidaasi ayuuna dagaalku ku bilaabay. hadana dagaalku wuxuu ka socdaa God-Qaboobe ” sida uu Wariye Saleeban Sahal u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland. Deegaanka God-qaboobe ayaa 11 Km u jira Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe wararka aannu ka helayno deegaanka ayaa sheegaya inuu socdo dagaal xoogan .La Soco Warar Kasoo Kordha. Halkan Ka Daawo Goobe Jooge Ka Waramay Dhacdadii Dagaalka Tukaraq Muqaalka Sawirku waa Tuka-raq  

Exit mobile version