War Deg Deg Ah:-Dawlada Soomaaliya Oo Xabsiga Ku Gurtay Siyaasiyiin Ka TirsanXisbiga Wadda Jir

Muqdisho(GNN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa xidhay siyaasiyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Wadda Jir.

Ciidamada dawlada federaalka ah ayaa goor dhawayd xabsiga dhigtay siyaasi Kamaal Daahir Guutaale iyo xoghayaha guud ee xisbiga Waddajir Sayid Cali Macalin Cabdule.

Siyaasiyiintan ayaa laga qabtay Hotel-ka Maka Al Mukarama oo ay ku sugnaayeen, iyada oo ay qabteen ciidamado ka tirsan hay’adda nabad sugida ee Nisa.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo ka tirsan xisbiga Waddajir  ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in ciidamada nabad sugidu ay xidheen saraakiishan ka tirsan xisbigaasi, iyada oo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo sababta keentay xadhigooda.

Ilaa hada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaan ka hadal sababta loo xidh xidhay siyaasiyiintan ka tirsan xisbiga Wadda jir iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey  ay soo badanayaan xadhiga loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka soo jeeda dawlada.