War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.
Madaxweynuhu:
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir |
Magaca |
Xilka |
1. |
Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda |
2. |
Axmed Yuusuf Dirir Maxamed |
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka |
3. |
Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka |
4. |
Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka |
5. |
Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi |
Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka |
6. |
Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax |
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
—
Director Presidential of Media