Ciidamada Qaranka Somaliland Oo 24 Jirsaday Iyo Nuxurka Dhambaal Uu Taliye Nuux Taani U Diray.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland ayey maanta u buuxsantay sanad guuradii 24aad ee ka wareegtay markii la aas aasay.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo war ka soo saaray sanad guurada 24aad ee ka soo wareegtay  aas aaska ciidamada qarankaCiidamada qaranka somaliland ayaa la aas aasay 02/02/1994 ka dib markii la qarameeyey ciidamadii beelaha ee  ay dagaalada Sokeeye dhex mareen, iyada oo aas aaska ciidamada qaranka somaliland uu ku suntan yahay alle haw naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo wakhtigaasi noqday suldaankii ugu horeeyey ee beeshiisa ka dhiga hubka isla markaana lagu bilaabo dhismaha ciidamada qaranka.
somaliland ayaa hambalyo u diray xubnaha  ciidamada iyo qoysaskooda.

Dhambaalka taliye Nuux Taani ayaa u dhignaa sidan

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan xubnaha ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland, Saraakiisha, saraakiil xigeenada, aliflayda, dablayda iyo xaasaskooda waxaan ku hambalyeynayaa munaasibada sanad guurada 24aad ee ka soo wareegtay markii la aa aasay ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland.

Waxaan ilaahay uga baryayaa ciidamada qaranka somaliland inuu barwaaqo iyo bashbash ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa dhamaan ciidamada qaranka iyo xaasaskooda.”