DAAWO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO HADA KU DHAWAAQEY ARIN FARXAD GALISAY SHACABKA S/LAND

Nuxurka Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Jeediyey Xuska 36-guurada kasoo Wareegtay Maalinta Dhallinyarada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey 36-guurada kasoo wareegtay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka Bisha Febarweri (February) ee sanadkii 1982-kii oo maanta ku beegan“.

Munaasibaddan oo lagu qabtay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 20.02.2018, isla markaana ay soo qaban-qaabiyeen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dallada ay ku bahoobeen ururrada dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayuu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu si waayo-aragnimo leh ugu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta dalka iyo qorsheyaasha uu hoggaamiye qaran ahaan u hindisay horumarintooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn ku dheeraaday doorkii lama illaawaanka ahaa ee dhallinyaradii ku bahowday ururkii UFO oo iyagu soo ibo-furay maalintani ku lahaayeen halgankii iyo xornimadii dalka iyo dadkaba, isaga oo caddeeyey inay maalintani ku suntahay dharaar la daadiyey dhiigga da’yar mustaqbal ifaya lahayd, balse naf-hurnimo ku dhiirraday, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “36-sano ka hor  maanta oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxa ay u ahayd maalin madow, maalintaas oo ahayd mid xanuun badan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan Taagni iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxa ay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunida oo aan hore loo arag ay galeen oo bilaabeen, lamana arag odayaal dhuunta iyo Aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka kusii daaya oo Hooyadoodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna maanta farxaddan iyo jawigan kumaynaan joogneen.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u maro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jirina inta badan dunidu hore uma marteen.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dhallinyarada Somaliland ku dhaqani wajahayaan duruufo adag oo u baahan geesinimo iyo adkaysi dheeraad ah, waxaana uu si xeel-dheerinimo leh u da’yarta ugu sharraxay siyaabaha ay kaga gudbi karaan caqabadaha haysta, “Dhallinyarada reer Somaliland maanta duruufo adag baa hor yaalla oo ay marmarka qaarkood niyad jabaan oo ay naftaba nacaan oo ay garan waayaan mustaqbalkaba meel ay u socdaan, aduunyadana inta la ogyahay mar walba way jirtaa xaalad adag oo kaa hortimaadaa, qofkana marka dhibaato ka hortimaaddo saddex tallaabo uun baa la gudboon, inaad dhuumato oo aad cararto, inaad is dhiibto iyo inaad wajahdo oo aad dhibaatadaas qaabisho, inta badanna waxa guulaysta qofka dhibaatada wajaha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu markii ugu horraysay shaaciyey tallaabooyin lagu horumarinayo dhallinyarada reer Somaliland, isla-markaana sed-buuran lagaga siinayo qorsheyaasha xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, kuwaas oo ay ugu horrayso akoon-xisaabeed gaar ah oo lacago loogu shubay, waxaana uu yidhi, “Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhallinyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada  ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso, aqoonyahankana waxaan leeyahay waxa aynu aas-aasayno haddii aanay aqooni hoggaamin way inaga hor imanaysaa, markaa sidii guddida loo samayn lahaa waa in laga soo wada qaybgalaa.”

Madaxweynuhu, isaga oo sharraxaya muhiimadda ay xukuumad ahaan siiyeen kor u qaadista iyo tayeynta waxbarashada dalka oo ah halka ay dhallinyaradu kasoo aflaxaan waxa uu soo bandhigay qorsheyaal hor leh oo ay ugu tallo galeen inay kor ugu qaadaan waxbarashada dugsiyada dawladdu gacanta ku hayso, “Akoonka labaad ee dhallinyaradu leedahayna waa waxbarashada, waxbarashada sarena toosinteeda waynu isugu tegaynaa, wasaaradda tacliinta, xukuumad iyo shacabba, waynu isla aqoonsanahay inay jaamacadaheenu soo saaraan dad aan suuqii shaqadu u diyaar ahayn, laakiin waxa ka horraysa inaynu xagga hoose kasoo bilowno. Dugsiyada bilowga ah Macquul ma aha in dugsigii qaranka ee dawladdu maamulaysay ee qaranka ka dhexeeyey ee qaranka intii usoo halgantay, inta u shaqaysa iyo inta lexejeclada kaleh carruurtoodu ku jirtaa ay ka hoos maraan Dugsi nin furtay oo lacago ajanabi ah oo Doolar ah uu ku qaado oo ay dugsiyadeenii noqdaan kuwo markaad tagto aad mooddo meel laga guuray oo kharaabado ah, mid nin leeyahayna 24-ka saacadood Idaacad waliba faaniso,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu  caddeeyey inay xukuumad ahaan meesha ka saari doonaan in dugsiyada waxbarashada ee xukuumaddu gacanta ku haysaa ka tayo hooseeyaan kuwa gaarka loo leeyahay, isaga oo sheegay in aan arrintaas loo dulqaadan Karin, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadkeenu 80%(Boqolkiiba siddeetan) waxa ay ku jiraan dugsiyada dawladda, waana inta muwaadiniinta dhabta ah ee naftooda hurta, waa askartii, waa mujaahidiintii, waa dadka meelahaas jooga ee aan shaqaynin, waa dadka gaboobay ee dalka usoo shaqaysay ee aan hawlgabna qaadanin iyo dadkii qaxay ee magaalada kusoo noqday ee aan magaaladana hantida ku lahayn,  Boqolkiiba siddeetan dadkeena inay hadhaan, 20% (boqolkiiba labaatanna) intay waxoogaa qaataan, ama qurbaha haka yimaadaan ama dawladda ha u shaqeeyaane ay carruurtoodu Doolar wax ku barato oo ay xataa Af soomaaliga garan waayaan, taasi socon mayso.”

Waxa uu madaxweynuhu sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhammaanba ardayda  dugsiyada dawladda dhigataa lacag la’aan ku heli doonaan buugaagta waxbarashada, isla markaana uu madaxweyne ahaan Akoonka wasaaradda waxbarashada ku shubay lacagtii buugaagtaas ku bixi lahayd, “Waxaanu isla garanay in Ardayda ku jirta dugsiyada Dawladda fasalka koowaad ilaa inta uu ka baxayo Arday waliba uu helo buugaagta oo bilaash ah, inta ku jirta dugsiyada dawladda ee buugaagta u baahani waa in ka badan boqol iyo lixdan kun oo arday, lacagta buugaagtaas sanadkan ku baxaysaana waa Milyan iyo Sideed Boqol iyo dhawr iyo konton, intaana dawladdu way bixisay oo waanu ku shubnay wasaaradda Tacliinta,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u faah-faahiyey ujeeddada  ka dambaysa carbinta dhallinyarada ama shaqada qaran ee ay ku ballan-qaadeen waqtigii ololaha inay gelin doonaan dhammaanba da’yarta ka baxda dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka, waxaana  isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii aanu KULMIYE nahay waxaanu in badan ku ballan qaadnay in dhallinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxaa galaan shaqo qaran oo aanu uga jeedno qofka in loo bisleeyo waddaninimada iyo masuuliyadda, shaqada qaranka waxaanu ka rabnaa in aanu dadka isku keeno oo ay wada shaqo galaan oo ay marka hore Somaliland bartaan oo ay ogaadaan waxa jira oo ay maskaxdoodu korto si uu berri shaqo u qabto isaga oo ugu yaraan Somaliland oo dhan wada yaqaanna, sanduuqaasna waanu furnay oo milyankii ugu horreeyey baanu ku shubnay, waana in bil walba lagu  sida karaanku yahay, sanadkanna waa inuu dhigaal u dhigmaa, haddii cid kale wax nagu taraysona waa loo baahan yahay, waana  in bisha Desember (December) ama noofember (November) ay bilaabmi kartaa hawsha ugu horraysa ee shaqada qaranku.”

madaxweynuhu isaga oo shacabka tusaya sida uu xilka iskaga saaray horumarinta dhallinyarada dalka, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha iyo is-dhexgalka bulshadu, waxaana uu sheegay inuu wasaaradda ciyaaraha  u oggaaladay lacag ku dhaw Afar Boqol oo Kun oo Dollar oo lagu dayac-tirayo garoomo ku yaalla meelo kala duwan oo dalka ah, isla-markaana lagu gogli doono roogagga casriga ah.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu la dagaallamo musuqa iyo wax is-dabamarinta, waxaana uu bulshada dareensiiyey in aanay jirin hanti ay dheeraad u helaan xubnaha wasiirrada iyo shakhsiyaadka kale ee qaranka xilalka u hayaa, isaga oo shaaciyey inay imika uun mushahaarooyinkii  ay xaqa u lahaayeen heleen xubnaha golaha wasiirradu, xilli ay xukuumadda uu hoggaamiyaa madaxa la gashay bisheedii saddexaad, waxaana uu yidhi, “Wasiirrada maanta ayaan u saxeexay mushaharkoodii ugu horreeyey, gunno iyo faakihaysina daa, wasiirka waa in ay hudheelladu lacag badan kusoo dallacdaan oo uu kadeedmaa, si ay dadkiisu u arkaan inuu dalkiisa u shaqaynayo oo aan loogu qaadan in wasiirrada iyo madaxweynenimadu tahay meel laga tanaado inta kalena ku bakhtido, maya taas yeeli mayno, waxaynu u baahanahay in la xisaabtamo.

Wa Bilaahi Tawfiiq