Hargeysa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isnaย ka hadlay sida uu u arko is-casilaadaย raโiisul wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo dhawaan ku dhawaaqay inuu kad egeyo xilkii raysal wasaarenimo iyo kii hoggaaminta ee xisbiga EPRF.
Feysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in uu istiqaallada raysal wasaaraha u arko xal lagu helo kari nabad iyo dawo loo helo xaalladacakiran ee waqtiyadii u dembeeyey ka taagnayd dalkaas. โItoobiya muddooyinkanba waxa ka socday qalalaase siyaasadeed, waxa kacsanaa qawmidayaha qaarkood Oromadu haba u badnaatee, shir ayaana u socday xisbiga dalka xukuma ee EPRDF, is-casilaadda raโiisul-wasaarihii dalkaasi waxaan u arkaa uun wanaag uu sameeyay si nabad loo helo oo uu sadqeeyay kursigiisiiโ. Sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe oo arrintanwax laga weydiyey isaga oo safar ku maraya wadamo ka tirsan qaaraddaYurub.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa intaas raaciyey โWaxayย taasi ku tusaysaa in raโiisal wasaaruhu ahaa nin bislaaday siyaasad ahaan, oo dantiisii ka horaysiiyay dantii qaranka iyo dantii Itoobiya, inaga (Somaliland) way inoo fiican tahay in Itoobiya ay nabad ahaato, geeska Afrikoo dhan ayaanay u wanaagsan tahay in Itoobiya ay nabad ahaato,โayuu yidhi Faysal. Waxaanu intaa ku daray โAad iyo aad ayaanan u hambalyaynaynaa is-casilaadda raโiisal-wasaarihii hore ee Itoobiya, arrinta geesinimadda leh ee uu sameeyay, waana wax ku dayasho mudan in danta shaqsiga ah laga horaysiiyo danta ummadda.โ
Dhinaca kale Safiirka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan u fadhiya Itoobiya, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe),ย ayaa iftiimiyey inย Somaliland wax saamayn ah ooย gaar ah aanuย ku yeelan doonin is-beddelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, kadib markii uu khamiistii si lama filaan ah isu casilay Raโiisal-wasaare, Hailemariam Desalegn.
Danjire Cali Shoombe wuxuu sheegay in isbeddelkani aanu wax saamayn ah oo taban ku yeelan doonin dalalka Geeska Afrika. โItoobiya waa dal guun ah oo boqolaal sannadood soo jiray, waa dal ku kala socday sharci iyo qawaaniin, markaa saamayn gaara oo ay ku yeelanayso shacabka reer Itoobiya oo wax is-beddel ah ma dhacayo, hawluhu sidoodii ayey u soconayaan oo xidhiidhadu sidoodii ayay u jirayaan,โayuu yidhi Safiirka Somaliland, waxaanu intaas raaciyey; โWixii uu dan mooday raโiisul-wasaaruhu markii ay ka wada tashadeen raggii la taliyeyaashiisa ahaa iyo madaxdii kale ee waddanka la maamulayayย ayuun buu raacay. Somalilandna xidhiidh gaar ayey la leedahay Itoobiya oo sokeeye, oo nabadgeliyo, oo dhaqaale leh, oo siyaasad leh, oo diblomasiyad leh. Runtii waxaan filayaa hawluhu sidoodii ayay u soconayaan.
Wax is-beddel ah iyo wax saamayn ah oo ay arrintaasi ku yeelanaysaa xidhiidhadii dalalka jaarka iyo gobolkaba, ma arko in ay dhacayso.โ Mr. Cali Shoombe, waxaย kaloo uu sheegay in aanay jiri doonin wax saamayn gaara oo ay arrintaasi ku yeelanayso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Itoobiya. Wax cabsiya oo laga qabi karo in dhibaato ay dalkaasi ka dhacdaana aanay jirin.
โDadka waxaan leeyahay waxba ha baqina, iska suga inta wax is-beddelayaan, waa laba ama saddex maalmood intay qaadanaysaa, waxaana arrintii u fadhiya xeer-beegtidii, guurtidii iyo hoggaankii dalka Itoobiya. Itoobiya waxay kaga duwan yihiin dalalka kale ee gobolka waa waddan saddex kun oo sannadood soo jiray, muddadaasna intaas oo is-beddel ayaa ka dhacay, Markaa saamayn gaara oo ay arrintaasi ku yeelanayso dalalka gobolka ma jirto, hawluhu sidoodii ayay u soconayaan, xidhiidhada ay dalalka kale la leeyihiina way soconayaan.ย Somaliland-na wax dhibaato ah oo ay ku keeni kartaa ma jirto, xidhiidhkeenuna wuu sii wanaagsanaanayaa. xidhiidhkeenuna ma aha xidhiidh shaqsiya, balse waa mid ka dhexeeya labadda ummadood iyo labadda dawladood, โ ayuu yidhi Cali Shoombe oo shalay Hargeysa ugu warramay warbaahinta kadib markii uu ka yimid Itoobiya.