Go,aanka Is casilaada Ee Marwo Khadra Xaaji Gaydh Waa Mid Geesinimo Leh!!!

Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Waxay Mid Ahayd Haweenkii Tirada Yaraa  ee isku Sharaxay Golayaashii Deegaan Ee Ugu Horeeeyay Dalka In Lagu Soo Doorto Gole Deegan Taasi Oo ay Nasiib u Heshay in ay Noqotay Gabadha Kaliye Ee Xiligaa kusoo Baxay Golayaasha Deeganka Somaliland Dhamaan.

Iyadoo kasoo Baxday Xisbiga Kulmiye golihiis  Deegaan Degmada Gabiley oo ay ka Qabatay Xilalka Gudomiye Kuxigeenka Golaha Kaasi oo ay Mudo Haysay, Halka ay Markii Danbana Loo Doortay Maayarka Maagaalada Gabiley Taasi Iyana Ka Dhigaysay In Ay Ku suntanaato  guud ahaan Somaliland  Haweenayda Kaliya Ee Xilka Maayarnimo Qabatay.

Dhanka kale Marwo Khadra Waxay Ku Suntan Tahay  Shakhsiyaadka Ugu Mabda . adag Ee Xisbiga Kulmiye Ku jiray Taasi  aanay maalin kaliya ka leexan xisbigeeda, Waxay samcad Iyo Sharaf Wayn u tahay Haweenka Jamhuuriyada Somaliland,

Sidoo kale Marwo Khadra Xaaji Gaydh wuxuu Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo u magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland  Xil kaasi oo ay Haystay Mudo Dheer. Halka ay Safka Horena Kaga Jirtay Masuuliyiintii Keenay Guusha Uu mar labaad Xisbiga kulmiye Loogu Doortay In uu Qabto Talada Dalka Dhamaankii Sannadkii 2017 kaasi oo Uu kursiga Dalka Ugu Sareeya ku gaadhay Madaxwaynaha Haatan Mudane Muuse Biixi Cabdi,

Halgan iyo dadaal  ay usoo martay Xisbiga Xaakimka Kulmiye Iyo Guulihii uu Gaadhay kadib Waxaa 22/02/2018  Madaxwayne Muuse Biixi soo saaray Wareegto uu   Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Uu kusameeyay  Haayadaha kala Duwan Ee Xukuumadiisa Taasi oo uu Marwo Khadra Xaaji Gaydh ugu Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Haayada Dhawrista Tayada Isagoo Agaasimaha Guud Ee Ay Hore u Ahayd uu u Magacaabay Maxamed Cali Bile Oo Ay Isku  Jufo Hoose Yihiin Balse waxay Talaabadan Uu Qaaday Madaxwayne Biixi Ay Noqotay mid ay aad isku waydiiyaan Bulshada Reer Somaliland. Iyo Guud ahaan Shacabka Gobolka Gabiley  Oo Halka hormuudka u ahayd guushiisa  ayna kasoo jeedo Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyadoo Si gaara Isha ugu Hayeen Go,aanka ay ka Qaadato xilka oo ah Mid Aan Ahayd Masab Uqalma

Waxaase Go,aan Geesinimo leh Qaadatay Khadra Xaaji Gaydh go,aankaasi na Wuxuuu Noqonayaa mid ka Turjumaya Aragtida Rasmiga ah Ee Bulshada ay Kasoo Jeedo Gaar ahaan Deegaanka Degmada Alaybaday Oo Marka Hore Iyagu Dareeno kala duwan ka Bixinayay Waxa uu noqday Abaal Celintii Madaxwayne Muuse Biixi Oo Guushiisa ay Ku suntan  yihiin Dadka Deegaanku

Marwo khadra xaaji gaydh Go,aanka Aad ka Qaadatay Quudhsigii Madaxwaynaha waa mid Aan Siwayn kuugu Bogaadinayo Waxaanad ku Matalaysaa Shacabkii Aad  Kasoo jeeday, taariikhduna Way ku Xusi doonaantaa .

Guul Iyo Gobonimo

Qalinkii Farxaan Maxamed Barkhad

Hargaysa Somaliland

Emeil; Farxaan123@gmail.com